WAR DEGDEG AH: Masuuliyiinta Waddani Ee Xukuumadu Xidhay Oo Maxkamad La Keenay

0
Sunday November 24, 2019 - 09:48:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 6159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR DEGDEG AH: Masuuliyiinta Waddani Ee Xukuumadu Xidhay Oo Maxkamad La Keenay

    Shantii iyo badhkii waaberigii Axadda maanta ee 24-ka Noofambar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shantii iyo badhkii waaberigii Axadda maanta ee 24-ka Noofambar

Hargaysa (HWN) Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi iyo Afhayeenka Xisbigaasi Barkhda Jaamac ee xidhnaa muddo Toddoba cisho ah, ayaa saaka la hor keenay Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex, waxaana ay Maxkamaddu u jartay Afar cisho oo Rumaan ah oo ay ku xalaalaynayso xadhiga mas'uuliyiintaasi.



 

Masuuliyiintan ayaa abaaro toddobadii subaxnimo la keenay maxkamadda Hargeysa, waxa aanay baadhayaashu garsooraha ka codsadeen in waqti dheeraad ah loo siiyo ogolaanshiyo xabsi ku sii hayn ah (Rummaan), waxa aanay wararku sheegayaan in garsooruhu u ogolaaday in ay afar maalmood sii hayaan si ay u soo dhammaystiraan baadhista.

 

7:50 subaxnimo, ayaa maxkamadda laga kaxeeyey masuuliyiintan oo wararka qaar ay sheegayaan in dib loogu celiyey Xabsiga Mandheera.

 

Ammaanka maxkamadda iyo agagaarkeeda ayaa si aad ah loo adkeeyey, waxaana labada maxbuus la socday ciidamo aad u tiro badan.

Loading...
Loading...