Xildhibaan Ka Hadlay Xaaladda Gobalka Awdal

0
Sunday November 24, 2019 - 09:37:17 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ka Hadlay Xaaladda Gobalka Awdal

    Hargeysa (HWN)-Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (HWN)-Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye,
oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa ka hadlay xalaada gobalka uu ka soo jeedo iyo guud ahaan xaaladda dalkaba.



Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay khilaafka ka taagan Komishanka ayaa yidhi "Madaxweynuhu isaga ayaa ah Madaxweynihii Qaranka, isaga ayaa la doortay, oo dalka iyo dadkaba ALLE sukadii masuul ka ah, Madaxweynuhu inuu marka horeba ka dheerado ayey ahayd wax kasta oo muran, khilaaf iyo isku dhac keenaya, haddii uu yimid khilaafka ku saabsan Komishanka, oo aan Xisbiyada Mucaaradku diidan yihiin xubno ka tirsan Komishanka waxay ahayd inuu Madaxweynuhu soo bedelo, balse waxa dhab ah haddii Ina Riyo Raac iyo Inantuba noqdaan Komishan in Kitaab la marinayo, oo ay dhaaranayaan, qofka dhaarta oo musuq iyo is daba marina sameeyana akhiradiisa ayuu gubayaa, marka uu qofku komishan noqdana xisbi uu ka tagaya, oo dhex ayuu noqonayaa, sidaas darteed Madaxweynaha iyo Xisbiyada ku boorinayaan inay khilaafkooda soo af jaraan, ta kale Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisaba waxaan leeyahay oo aan kula talinayaa inay soo dayaan nimada xidhan,”.


Mar uu ka hadlaayey xaalada Gobolka Awdal ayaa yidhi "Hadda wax dhibaato ah oo ka taagan Gobolka Awdal ma jirto, xaaladu wey degan tahay, Jabhadii Caawalana waa anigii ka hawlgalnay, weyna soo xoradeen, markaas Gobolka Awdal iyo Gobolada kale ee dalka inay mar walba ahaadan Gobol nabdoon, oo amaankooda iyo nabadgalyadoodu noqdaan kuwa sugan, ayaa haboon, wax walba oo kala tirsanayana in si salmiya lagu doono weeye, laakiin in dhib iyo xumaan lagu doono maaha, nabadgalyada iyo qaranimadana in la ilaaliyo weeye”

 

Loading...
Loading...