Hong Kong Oo Loo Dareeray Codbixinta Doorashada Golaha Deegaanka

0
Sunday November 24, 2019 - 09:11:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hong Kong Oo Loo Dareeray Codbixinta Doorashada Golaha Deegaanka

    Kooxha u ololeeya dimuquraaddiyadda ee dibadbaxyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxha u ololeeya dimuquraaddiyadda ee dibadbaxyada
ka dhigaya Hong Kong ayaa taageerayaashooda ugu baaqaya in aysan carqaladeyn doorashooyinka golaha deegaanka ee maanta oo axada ah ka dhacayso Hong Kong.



Kooxahani ayaa rajeynaya in codeyntan ay farriin u dirto xukuumadda Bejiing ka dib muddo shan bilood ah oo rabshado iyo dibadbaxyo ay ka jireen Hong Kong.


Mas'uuliyiinta maamulka magaaladaasi ayaa ku hanjabay in ay hakinayaan codeynta doorashadani hadii ay la kulmaan xaalado halis ah.


Safaf dhaadheer ayaa hadda lagu arkayaa goobaha codbixinta ee Hong Kong.


Golahani deegaanka ee maanta la dooranayo ayaan awood badan la hayn, hasayeeshee natiijada codbixintani ayaa waxaa laga yaabaa inay soo muujiso awoodda dareenka ka dhanka ah madaxa maamulkaasi, Carrie Lam iyo dowladdeeda.


Qiyaastii 452 xildhibaan oo ka mid noqonayo golaha deegaanka ayaa la filayaa in lagu soo doorto doorashadani oo ay u tartamayaan qiyaastii kun musharrax.


Golaha deegaanka ee haatan jira ayaa waxaa aqlabiyad buuxda ku leh xisbiyada u janjeera dhanka dowladda Shiinaha, waxaana musharrixiinta xisbiyadani ay ka codsanayaan taageerayaashooda in ay u codeeyaan si loo muujiyo in kooxaha dimuquraadiyada u ololeeya aysan lahayn wax shacbiyad ah.


Muddo shanti bilood ayaa Hong Kong waxaa ka jiray dibadbaxyo ay dad ku dhinteen. Horraantii bishan ayaa askeri wuxuu toogtay qof ka tirsan dadka dibadbaxyada dhigaya. Askeriga wuxuu soo bixiyay baskoolad ka dibna wuxuu soo jiiday qof ka mid ah dadkii isu soo baxay oo ku sugna meel jid-gooyo ay tiillay.


Nin kale oo isku deyay inuu askerigaa u dhowaado oo wejiga u duubnaa, ayuu ku riday xabad kaga dhacday lugta.


Dhacdo kale, nin tageersanaa mamulka beijing ayaa la gubay ka dib markii uu la murmay dadkii dibadbaxayay ee careysnaa.


Wuxuuna galay xaalad halis ah, waxaana weli lagu daweynayaa cisbitaalka.

Sidoo kale waxaa maanta jiray isku dhacyo kale oo badan oo dhexmaray booliska iyo dadka dibadbaxaya oo weli Hong Kong ka taagan.


Gobolkan oo uu horay u gumeystay Ingiriiska ayaa maamul ahaan u hoostaga Shiinaha, balse waxa uu heystaa xorriyad aan laga heysanin dhulweynaha kale ee shiinaha.


Afhayeenka u hadlay maamulka xukuumadda Bejing u qaabilsan Hong Kong ayaa mudaharaadeyaasha uga digay in dulqaad loo smaeynayo ay u fahmaan daciifnimo.


Isku dayga ah in Ms Lam lagu khasbo inay iscasho ayuu ku tilmaamay "mid aan meelna gaari doonin", wuxuuna intaas ku daray in dibadbaxyadu ay saameyn aad u xun ku yeesheen dhaqaalaha Hong Kong.

 

BBC

Loading...
Loading...