Inan Geed Adayg Ahay, Halkaas baad ka garataa ( Abdi-Shotaly) .

0
Saturday November 23, 2019 - 19:40:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1923
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Inan Geed Adayg Ahay, Halkaas baad ka garataa ( Abdi-Shotaly) .

    Waxan maalmahan arkayaa, qaar waxay yihiin aanay jirin, oo meela-haas ka ka dhurma,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxan maalmahan arkayaa, qaar waxay yihiin aanay jirin, oo meela-haas ka ka dhurma,
oo u nacamiya askarta bilaa caqliga ah, ee xaafad-tooyadda ka shirbeeya, siddii habar-dugaag raq isku haysta, kuna marmar-soodda Somaliland wax la yidhaaho baanu difaacnaa, laakiin ay xaqiiqdu tahay, iyo sababta ay u guuxayaan waxan isku beel ka soo jeednaa labadda askari ee dhabanaansan siddii lax dhukan, isna leh malaha waxad isku qarin kartaan, idinka oo yidhaaha Somaliland baanu gaadh kahaynaa, runta rasmiga ahina ay tahay, in la difaacaayo maamul beelaysan, oo koodh ay is leeyihiin la arki-maayo u soo geliyey reer hebel. Kuwa noocaas ah, ee u sacab tumaaya maamulka askarta, wax kale ii sheegi-maayaan aan ahayn, waanu kaa xignaa, sidaas awgeed ha is odhan cidi kula fahmi-mayso waxad hadoodi-laysaan, isuna dabaal-joogtayn kari-mayno, waynu isla garanaynaa waxa aad u taageeraysaan ( Oo waa isir ahaan). hadaba kala daaya oohinta aad qubaysaan iyo iska yeel-yeel daacadda aad isu ekaynaysaan, xaq darradda baanu ku ayidsan nahay iyo  kala daaya cadaalad baanu doonaynaa.


 Akhristaw saaka kuwa aan sare ku soo sharaxay baan in yar oo maanso ah odhanayaa, ku soo dhawaadda waa tane:-

Inan yahaw gob baan ahay, Gob-gob dhaaftay baan ahay,
Gobi sii dhashaan ahay, hooyaday gobaad baan,
Gosha aan ku seexdoo, goga aan ka nuugoo,
Garays-keedda huwadoo, guudkay-gu qaadoo,
I Gar-daadisee garo, Abtigayna Gobanimo
Galad aan cid kale helin, b aa lagu guneeyoo,
Ku gar-gaaray Eebbuhu, geedkaa saraan ahay,
Halyey gaara baan ahay, geesi dhaatay baan ahay 
Inan Geed Adayg ahay, halkaas baad ka garataa.

Ragu golahu leeyahay, gadaal layma eegee,
Ka gudoomi-naayiyo, gadh-wadeenki baan ahay.
Martidoo gab soo tidhi, Bakhayl baa ka gaabshee,
Ninka gogol u fidiyee, qala goola-shaan ahay,
Gar hadii ay noqotana, halka ay u go'ay-siyo,
Gobodaan abaaraa, guurtidaa ka talisee,
 Gardaradda shakaashiyo,  ka gunaana-daan ahay,
 
Markay gacan timaadana, guusha oon hadhsada'iyo,
Guduntii af weynee, wax garaacdda baan ahay,
Gacalkay isaaqana, guula- heen ha daayee,
Garab-kaygi weeyaan, weligay ma gaasirin,
Gurgursha-hoodi baan ahay, halkaan cadaw ka gawriyo,
Ayey igula guuraan, gacan-taydi midig iyo,
Gaashaanki weeyaan, ma geyaan waxaad tidhi.
 
Goob-yaalka xaajadda, kolka gacal is diidee,
Inba gees u boodee, galka seefta kala baxo,
Gurmad weerar kiciyiyo, guluf uu is dhaafee,
Googaa-laysi ay tahay, kaan godobta talinee,
Xaqa gaw ka siiyee, kala siiya gashigee,
Guri nabadda dejiyee, Gacan-tiis saaree,
Ku guntadda Wanaagee, gawraca xumaantiyo,
Ninka kala guraayee, geeri jooji-yaan ahay.

Adna gaab yar baad tahay, Gocor aad u liitoo,
Garashiyo aqoon-tiyo, ka goblamay dadnimadoo,
Gunta hoos ka sii xiga, ima gaadhi karay-side,
Sidda galawga qayshiyo, giriyaale fulay iyo,
Ciyaw galab baroor-tiyo, guduri baad la nooctoo,
Waa gedaad u hadashaye, abidkaa galaydh-yee,
Isku tuur Gelge-limaa, Wuxu raabsho Gaws-kiyo,
Waxad Iliga geli-saad, Baadi goobaysaa abid,

Anna Biixi baan ahay, Nina aanu goyn karin,
Gawskiisa Caabudin, ma gabade ilaah diray,
Ka gadooodda xumahoo, gacantana an loo qoyn,
Nina aanu gilgili hayn, calooshii u guuxaw,
Geeda-haaga iska daaq, gunadaada iska guro.
Gooja-daadda beenta ah, cidla-daas la guur-guur.
Gebgeb-law ayaamahan, Soo guro hub-kaaggii.
 
* N.B Calooshii u guuxaw, Geeda-haaga iska daaq.
  Abdi-Shotaly,
   
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...