Xisbiga Waddani Oo Dacwad Ka Dhan Ah Kornayl Muuse Biixi Gaadhsiiyey Wasaarada Arimaha Dibada Sweden

0
Saturday November 23, 2019 - 18:18:01 in News by
  • Visits: 2822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Dacwad Ka Dhan Ah Kornayl Muuse Biixi Gaadhsiiyey Wasaarada Arimaha Dibada Sweden

    Xisbiga Waddani Oo Dacwad Ka Dhan Ah Kornayl Muuse Biixi Gaadhsiiyey Wasaarada Arimaha Dibada Sweden

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Waddani Oo Dacwad Ka Dhan Ah Kornayl Muuse Biixi Gaadhsiiyey Wasaarada Arimaha Dibada Sweden

 


Hargeysa(HWN):-Somaliland ayaa labadii sanadood ee ugu dambeeyey wajahaysay sharci jabin uu hormood ka yahay Kornayl Muuse Biixi Cabdi.

Image may contain: 1 person, sitting and indoor


Muuse Biixi iyo xukuumadiisa ayaa si badheedh ah ugu tuntay sharciyadii dalka, iyaga oo ka horyimid sharciga doorashooyinka iyo xaqa uu dastuurku u siiyey muwaadiniinta inay samayn karaan banaan bax ka turjumaya dareenkooda.


Xukuumada ayaa talaabooyinka sharci darada ah ee ay ku kacday waxa xabsiga ugu jira masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.


Hadaba masuuliyiinta xisbiga Waddani ee wadanka Sweden ayaa dawlada dalkaasi u gudbiyey warbixin ka dhan ah falalka sharci darada ah ee ay ku kacday xukuumada Muuse Biixi.

Image may contain: 4 people
Image may contain: 3 people, people standing
Image may contain: 3 people, people standing

Masuuliyiintan ka tirsan xisbiga Waddani aya kulan la qaatay saraakiil ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee dalka Sweden kuwaas oo warbixin ka siiyey xaalada ay ku sugan tahay somaliland, masuuliyiinta laga xidhay xisbiga Waddani iyo awooda ay xukuumadu ku hor istaagtay in taageerayaasha Waddani ay iskugu soo baxaan xafiisyadooda.


Gudoomiyaha xisbiga Waddani ee wadanka Sweden Maxamed Cabdilaahi Kaahin oo faah faahin ka bixiyey warbixintii ay la wadaageen wasaarada arimaha dibada Sweden ayaa waxa uu yidhi "Waxaanu kulan la yeelanay wasaarada arimaha dibada ee wadanka Sweden oo ah daneeyayaasha ugu dhaw yurub ee somaliland ka caawiya dimuqraadiyada iyo xuquuqal iinsaanka, waana wadanka calanka u ruxayey sidii aynu aqoonsi buuxa u heli lahayn waxaanan maanta siinay warbixin ku saabsan halka uu qarankeenii marayo, waxaynu ognahay in dimuqraadiyadii ay hog ka laalaado, doorashooyinkeeniina ay ku sii noqonayaan halkii aynu sodon sano ka hor ka nimid.”


Sidoo kale masuul ka tirsan xisbiga Waddani oo ka warbixinayey kulanka ay la qaateen saraakiishan ka tirsan wasaarada arimaha dibada Sweden ayaa waxa uu yidhi "Wadanka Sweden waa mid saaxiib la ah somaliland waxaanu la wadaagnay xog ay ka warqabeen oo ah wixii ka dhacay somaliland maalmihii ugu dambeeyey in madaxdii xisbiga Waddani xidh xidhan yihiin iyo in la diiday isku soo baxyadii ay xaqa u lahaayeen ee sharcigu jidaynayey.”


Hadhwanaagnews.com/Muqdisho

Soomaaliya
Loading...
Loading...