Suldaan Maxamed Oo Farriin Jawaab Ah U Celiyay Boqor Buurmadoow

0
Saturday November 23, 2019 - 14:42:20 in News by
  • Visits: 6218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Maxamed Oo Farriin Jawaab Ah U Celiyay Boqor Buurmadoow

    Suldaan Maxamed Oo Farriin Jawaab Ah U Celiyay Boqor Buurmadoow

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Maxamed Oo Farriin Jawaab Ah U Celiyay Boqor Buurmadoow


Hargeysa(HWN):-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee taagan ee salka ku haya Komishanka ee u dhexeeya Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka.




Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa sidoo kale jawaab ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay Boqor Buurmadaw, waxaanu ugu baaqay inuu ka dheerado Siyaasada, iyo in aanu kala jeclaysan Beelaha, isla markaana aan la adeegsan, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Dawladda iyo Axsaabtaba waxaan leeyahay umaddani sharci bay ku joogta, shuruucda Dastuurka ku qoran haddii la burburiyo dhibaato ayaa ka dhalan karta, ee Dawladda iyo Axsaabtaba waxaan leeyahay shuruucda ha noo ilaaliyaan oo Shacbiga danahooda ha noo ilaaliyaan, oo Sharciga ha ku kala baxaan”.


Mar uu ka hadlaayey sida uu u arko hadalkii Boqor Buurmadaw wuxuu yidhi "Boqor Buurmadaw arin siyaasi ma gali karo, kama hadli karo, qofkuna wuxuu u baahan yahay inuu shuruucda dalka yaala wax ka akhriyo, laakiin nimaan shuruucda waxba ka garanayn, oo dhegtuun wax ka maqla, waa dhibaato inuu wax walba ka hadlo, Boqorkana waxaan leeyahay, Boqoroow umaddaadii weeye dadka meesha lagu rifayaa ee yaan lagu adeegsan, oo qolo kale ku adeegsan, hana kala jeclaysan Beelaha, oo qof kasta oo Somali ah Boqor baad u tahay, Boqortinimaduna wax la ilaaliyo weeye, laakiin haddii aad dadka kala dhaweeysato dhibaatadeeda ayey leedahay”

Loading...
Loading...