Muuse Biixi Dood Noocee Ah Ayuu Kala Hortagay Ergadii Dhexdhexaadinta?

0
Saturday November 23, 2019 - 14:31:41 in News by
  • Visits: 5800
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Dood Noocee Ah Ayuu Kala Hortagay Ergadii Dhexdhexaadinta?

    Muuse Biixi Dood Noocee Ah Ayuu Kala Hortagay Ergadii Dhexdhexaadinta?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Dood Noocee Ah Ayuu Kala Hortagay Ergadii Dhexdhexaadinta?


Sida la wada ogyahay, Barkhad iyo Khadar habeenkii lixaad ayaa ay xabsiga Madheera ku qaadanayaan si sharci darro ah, ka dib kolkii dariqyada magaalada Hargeysa laga afduubtay Axaddii ina dhaaftay. Somaliland si sharciga baal marsan dadka waa la isaga afduubtaa oo sheeko cusub ma aha, laakiin tani waa kolkii u horaysay ee saraakiil xisbi oo sidaas u saraysa la afduubto. Barkhad waxa lagu sheegay in loo afduubay in uu fariintii Cabdiraxmaan Cirro dadka gaadhsiiyay oo xafiiska isugu kaalaya yidhi, Khadar na, waxa la sheegay in xukuumaddu sii ogaatay in uu isna sidaas Barkhad oo kale odhan doonay, lagana gaadhay intii uuna hadlin.

Natiijada sawirka Maxamed Haaruun Biixi


Geesta kale, dhaqdhaqaaqyo badan oo dad wax garad ahi sameeyeen, iyo baaqyo ka yimid bulshada caalamka ba ilaa hadda wax natiijo ahi kama dhalan, waxaana si shakhsiyan ah isu hor taagay Muuse Biixi, oo xataa Maxamed Kaahin diiday. Dhamaan dadkii siyaalaha kala duwan amuurtan ugala hadlay waxa uu Muuse u sheegay in uu xadiga nimankan ka qabo wixii distoorku ka qabo, in uu distoorka baal maro na aanu ku dhici karaynin, cid kale na ka yeelaynin.


Muuse waxa lagu yidhi – hadii uu xadigga noocan ahi sharci iyo distoor ku salaysanyahay sida adiga iyo booliisku ba sheegteen, (1), Halkee sharciga kaga jirtaa in dad loo xidhxidho keliya in ay hadleen, oo taageerayaashooda uGu yeedheen xafiiskooda? (2), Haddii ba se taasu ay tahay waxa xadhiga keenay, maxaa Cabdiraxmaan Cirro oo ah qofkii baaqa isu soo baxa bilaabay u xidhi wayday? (3), geesta kale, hadiiba dadku ay sharci jabiyeen, maxaa adiga oo aan hal maxkamad marinin, oo dacwad qoran siinin, ugu dirtay jeelka Madheera? Miyaanay ahayn meel maxaabiista la geeyo goorta ay jaranjarooyinka sharciga iyo maxkamadaha wada maraan?


Su’aalo badan oo noocaas oo miidhan ah baa lagula dooday, isna si fiican buu u dhegaystay. Kolkii uu hal cabbaar ah aamusnaa, waxa uu bixiyay jawaab culus oo ay muuqatay in uu xoog uga fikiray. Waxa uu yidhi – sharcigu ma ii ogola in aan jawaab tii hore ka duwan idin siiyo. Fadlan distoorka ha la dhawro. Fadlan ha igu kalifina in aan sharciga ka talaabsado.

Waxa Qoray Maxamed Haaruun Biixi


Loading...
Loading...