"Muuse Biixi Kursigiisa Iyo Komishanku Way Isku Xidhan Yihiin"

0
Saturday November 23, 2019 - 14:20:36 in News by
  • Visits: 2360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Muuse Biixi Kursigiisa Iyo Komishanku Way Isku Xidhan Yihiin"

    "Muuse Biixi Kursigiisa Iyo Komishanku Way Isku Xidhan Yihiin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muuse Biixi Kursigiisa Iyo Komishanku Way Isku Xidhan Yihiin"


Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ay dhexdhexaadinta madaxweynaha iyo xisbiga Waddani ay ku wareejiyeen ganacsatada iyo culimada dalka.

Natiijada sawirka muuse biixi iyo faysal cali waraabe


Guddoomiyaha UCID wuxuu sheegay in aanu rajo fiican ka qabin in madaxweyne Biixi wax aqbalo laakiin, uu doorkan rajaynayo in uu markan wax aqbalo, islamarkaana ay isku xidhan yihiin kursiga Madaxweyne Biixi iyo Komishanka cusub.


"waxa uu dalkii ka dhigay Madaxweyne Muuse dukaan uu lahaa oo uu xaqdarro kaga maqnaa 26 sannadood oo uu soo ceshaday oo uu leeyahay anaa leh anaa leh, taas ayuu ka dhigay taasna wax suuro gelaysa oo shacbiga Somaliland yeelayo maaha.”


Guddoomiyaha xisbiga UCID oo ka hadlayay xaflad xisbigu ku sharfay Komishankii hore wuxuu muujiyay quus uu ka joogo madaxweyne Biixi waxaanu eedihii u cuslaa u jeediyay madaxweynaha.


"Laba sanno ayaan anigu baryay, madaxa ayaan ka dhunkaday waar doorasho ha inoo socoto, aabbahay ma dhunkan, way iga dhammaatay aniga in aan nin qayrkay ah oo aanu ixtiraamnay, madaxweyne ka dhignay, aqoonsanay la shaqaynay intaa in ka badan in aan baryaa ma baryayo, shacbiga reer Somaliland uma baryayo. Dalka waa la wada leeyahay 70% waa dhallinyaro waxaan doonaya in aan hal cod ku nidhaahno ma ogolaanayno doorasho la’aan ma ogolaanayno kalitaliye (dictatorship),” sidaas ayuu yidhi Eng Faysal.


Eng Faysal waxa uu intaasi raaciyay "Kalitalisnimo dalkani kuma soconayo; qofka aan doonan xidhaya, waxaan jecelahay baa sharci ah waxaanan doonayna sharci maaha la aqbali maayo,”


"Arrintu way soo dhaaftay imika waxa is haysta Waddani iyo Kulmiye maanta waxa is haysta Muuse iyo Somaliland, halkaas ayay taaggan tahay, marka dee Muuse yaanu inaga adkaan. Hal qof iyo dalka dalka ayaa xoog weyn, dalka ayaa la badbaadinaya.


Waa la sharfay waa loo hiiliyay tollaayeey buu yidhi, laba beelood baa tartamayay beeshiisii ayaa adkaatay, waanu ugu ducaynay dee waxaanu leenahay in aad dalka dhaqaajisaanu doonaynay ee in aad Cirro uun ku meeraysatid kaama aanu filayn. Cirro waad ka adkaatay waa laga codeeyay bannaankaas ayuu iska jooga in aad la ficiltantid dee looma baahna nin baan la ficiltamaya waa in aad eegta dalka,” ayuu yidhi Faysal

Loading...
Loading...