Ragaw Kibirka Waa Lagu Kufaa Kaa Ha La Ogaado ( Abdi-sHotaly).

0
Sunday March 24, 2019 - 16:33:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Ragaw Kibirka Waa Lagu Kufaa Kaa Ha La Ogaado ( Abdi-sHotaly).

    Illaah waa caadil, oo wax-ba kama qarsoona, qof kaste oo is yidhaaha, wax ded, xaqa aas, amar-ku-taaglee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Illaah waa caadil, oo wax-ba kama qarsoona, qof kaste oo is yidhaaha, wax ded, xaqa aas, amar-ku-taaglee

, inaadeerkaa baa kuu haya xukunka'e, ee sidaad doonto u soco, waxaad doon-tana ku takri fal, daansha-daanshodo, oo kibir, iskana dhig ruux dadka ka weyn, isaga oo aan waxba ahayn, isu qaata ruux ay balaayo ka dhacday, guudka buu rabbi kaka eegayaa, oo marka uu bakh-diisa dhamaysto, baa xaga samadda laga soo xidhaaya, Saaka waxa xidhan oo rabbi soo yuururiyey Cabdiraxmaan Waa kii habalaha caayi jirey ee warbaahinta'e, kaas oo askariga isku qoys yihiin, oo laga yaabay sidda uu u socdo. Ilaah ha u naxariisto'e, Ismaaciil mire baa gabay tiriyey la odhan jirey " Ragu kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado" oo uu kaga sheekay-naayey, rag badan oo taariikh-dda ku jiro, oo ka bad-badiyey, mudo ka bacdina uu wiish la sare kacay, sidda saaka ay seeftii Eebbe ugu dhacday Cabdiraxmaan ( Waa hablo caaye'e). Horaa nin kibray u yidhi " Aduuun-yadda nin noolaw maxaa aragti kuu laaban, ishaan caawa leeyahay iyo maxaa aadmi kala haysta", aan hoos u dhaadhaco'e, oo aan ku soo hor-dhigo halka ay irbadu igaga mudan tahaye, ku soo dhawaw waa tan dhabtiiye. waxan leeyahay Cabdiraxmaan la qabso daruufaha, nin-ba waa mar-kiisee. Mar baa xil iyo maamuus magac lagugu xiiraa, xariir lagugu daahaa, mar baa xuubka diintiyo, tallo lagaa xayuubshaa, xorma beel ahaataa xumaataa,, wakhtigays xerinayoo, ninkii laga xishoon jirey, mar baan cidiba xaalayn, qofna aan ka xadhig xidhan.

Cabdiraxmaan ( Hablo caaye), oo mudodoobta tuuraayey, laga fadhiyi waayey, isku halayn awgeed, uu leeyahay askariga baan is xignaa, oo waxaan rabo baan samaynayaa, baa subxan saaka ah cadceed baasi u soo baxday, oo jeelka ku waa beriiistay, waa tii hore loo ytidhi " Wan weyni ilaa la gawraco indhi-hiisu cirka ma arkaane, imikuu xidigihii arkay, oo ay si wacan u hor yimaadeen, loogu taag waayey, waa mina laahiye. malaha waxad is waydiinay-saan, maxaa lagu xidhay ee dhacay? Qaasim baa yidhi (IHUN) " Nin kastoo salaan dheer u baxay, soo deg baa xigiye". laguma haysto musuq-maasaq, ee waxa la iska hor yimi askariga, sababta oo ah, meel uu askarigu is lahaa aad ka samaysatid " Qasriggii ugu weynaa Dalka", oo aan hore loo arag, buu iska qaatay Cabdiraxmaan, oo uu siiyey hal miliyan ka ku uurka kuusan leh, ee dawladda hoose la yidhaaho " Solteco", oo xaal-kiisu hadda maraayo, siddii awrkii baarqubka ahaa ee isku dhibi shaxan jirey. Dabeed waa ta la isku qabsaday, ee askariggii u qaadan la'yahay, isna waaka waaranka u soo jaray, ee durbaba saaka la keenaayo Maxakamad ku sheegta isaga u adeegta.

Somalidu waxay ku maah-maah-daa " dameero isku halayn bay hooya-dood dabadda uga nuugaane," dambaabidho aanu filayn baa ku dhacday Mr Guribarwaaqo, waxa kale oo ay tidhaahaa Somalidu " labadda xaq darradda ku heshiiyaa, xaqay isku dilaane" waa taas qaraxday, dhanka rabbi laga kashifay, been kaste iyo xumaan kaste, reer hebel la dhoodhoobaa, wakhti ka bacdi, iyadda baa miino isku qarxisa, ee Cabdiraxmaan saaka buu dib u eegayaa, wixii la lahaa ka joog. Nabsigu waa daruuraha cirkiyo, sidda dabay-shaase, dhaaxaa la lahaa ha ka dhicin salaamadda, qaar lagu sibtaa jira'e, isna uu lahaa " La jiifi-yaana banaan, la jooji-yaana banaan".

Waa lagu digta aruux haduu kuu daraan jiraye, bal dayaayey, wadaadkii wa kaas sii dabay-shadaye. Illaah waa mahaddii mar haddii xaadhadda gun-teeddii la isku qabsaday, markii si kaste loo qub-qubay, daaqay siddii macaan jecel loo daadiyey sonkor. nin-ba sibenkii markuu sare kacay, sanaka taaguu, subaguu cabay, sarsar-kiisii, siniin uu tufay, saantu balaqdaa, sakal loo xidhay, suxul la galoo, wuxu saadsaday, sacabadda dhigay.

* N.B Ha Ka Dhicin Salaamadda, Qaar lagu Siibtaa Jira'e

Qore;- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...