Dadaalladii lagu dhex dhexaadinayey Biixi iyo Cirro oo 'FASHILMAY'

0
Saturday November 23, 2019 - 12:50:25 in News by
  • Visits: 5308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadaalladii lagu dhex dhexaadinayey Biixi iyo Cirro oo 'FASHILMAY'

    Guddoomiyaha xibiga UCID ee Somaliland, Feysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Hargeysa ayaa rajo xumo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha xibiga UCID ee Somaliland, Feysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Hargeysa ayaa rajo xumo

 

ka muujiyey wadahadalladii uu ku dhex waday xukuumadda Muuse Biixi Cabid iyo xisbiga mucaaradka ee Wadani ee uu hoggaamiyo, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi (Cirro).

 

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in guddigii is xilqaamay ee hoggaaminayey ay ka quusteen in la soo afjaro khilaafkaasi, wuuuxna eeda dusha ka saaray Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.



 

Guddoomiyaha UCID ayaa tilmaamay in rajo uusan ka qabin in wadahadalladaasi ay ka soo bixi karaan natiijooyin wax tar leh, wuxuuna xusay inuu ka quustay Muuse Biixi.


 

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrinta wadahadallada ay hadda ku wareejiyeen guddi ganacsato ah oo sii sii wada dadaallada lagu qaboojinayo xiisada labada dhinac.


 

"Waa ay iiga dhamaatay Muuse, anigu madaxa ayaan ka dhunkaday, aabahay kama dhunkan wali, rajo badan kama qabo in wadahadalkaa wax ka soo bixi doonaan, Muuse Biixi waa madax adag yahay.” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Faysal Cali Waraabe.


 

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in guddiga doorashada iyo Kursiga Muuse Biixi Cabid isku xiranyihiin, islamarkaana haddii doorashada waqtigeeda ku dhici weyso ay ka tashan doono doonaan xukuumadda iyo aayaha guud ee maamulka Somaliland.

Loading...
Loading...