DAAWO SAWIRADA: PUNTLAND OO SOO BANDHIGTAY QAMRI FARA BADAN .
Taliska Ciidanka puntland Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa soo bandhigay Khamri,
Xashiish, toorayo iyo agab kale oo ay adeegsadaan dhalinyarada kooxaha
u abaabulan ee dhaca iyo furashada ka gaysta gudaha magaalada.
Taliyaha
Ciidanka Booliska Nugaal ayaa sheegay in
hawlgallo ay ka sameeyeen xaafadaha Garoowe ay ku soo qabteen dhalinyaro kooxo
u abaabulan oo dhibaato dhac iyo furasho u gaysta dadka shacab ah, kuwaasi oo
inta badan adeegsada maandooriyaal halis ah sida khamriga iyo Xashiishka.
Waxa ay
sidoo kale sheegeen Saraakiisha Ciidanka Maandoriyaashan dhalinyaro keliya lagu
soo qaban, balse waxa jira dad kale ka
ganacsada khamriga iyo xashiishka iyo qaar isticmaala oo si dhuumasho ah gudaha
magaalada ku soo geliya.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
Loading...
Loading...