Ninkaa Maanta Madaxweynaha Dhan Lagu Aaminay Waa Ninkii Marxuum Cigaal Yidhi Sawkii Muuse Igu Yidhi Abtiyaashaa Stii May aheyn
Waxa aan Marnaba Inaka Qarsoomayn Taariikhda Isdabayaalka ah ee Dalkani Soo marey Inakoo Wax badan ka dhaxalney Nidaamkii uu inoo Dhisey inoona
Dajiyay nidaamka iyo Hanaanka Dawladnimo oo hadii aan ilaahay
Somaliland keeni laheyn Kama aynaan Duwanaaneen Hogaamiye Kooxeedyadii
Koonfurta Soomaaliya.
Bal aynu Dib ugu Noqono Dhacdooyinkii Soo Dhexmarey Marxuum Maxamed
Xaaji Ibraahim Cigaal Madaxweynihii Geeriyooday ee Somaliland iyo
Madaxweynaha Maanta talada Dalka haya, Waxaa i Xusuusiyay Kalmad ku
jirtey Hadalkii uu dhawaan u jeediyay(
Xildhibaan-Waabeeye)
,
ee ahaa Markii uu adiga(Madaxweyne-Biixi), kaa Saarey Nidaamka ayaa la
Heshiiyay Waxa Xusid Mudan in Gudoomiyaha Guurtida ee
Xiligan(Saleebaan-Gaal), oo Markaa ahaa Wasiirka Maaliyada iyo
Madaxweynaha Maanta oo markaa ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa
Dagaalkii Sokeeye oo ka Socda Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka
Togdheer Waxa ay ka Qaadeen Lacag fara badan, Waxaaney ku yidhaahdeen
Waxaanu soo afjareynaa Dagaalka (Maleeshiyadda) sida ay u yaqaaneen
Waxaana Xusid Mudan in uu Muuse Marxuum Cigaal ku yidhi, 'Madaxweyne
Abtiyaashaa Dagaalkii SNM ma ay galin gabi ahaantoodba lama garanayo
Sababta Waa Cuqdad kujirta iyadoo lawada ogyahey in ay ahaayeen
Saraakiishii ugu badnaa ee Halgankaa huriyay.
Haddaba Maxaa dhacay Shaw Marxuum Cigaal Waxa uu u Sheegay in Lagu
Kicinayo Raggii adkaa ee Mujaahidiinta ahaa ee Soo galey Dagaaladii SNM
ee Beesha Bariga Burco kasoo jeeday Laakiin Taasi Sidii Xaqiiqdu aheyd
ayay u dhacdey oo Mujaahidiintii kasoo jeeday Galbeedka Burco Waxa ay
Dhirbaaxo Kulul ku Dhufteen Ciidankii Qaranka iyo Ciidan Beeleedkii Loo
abaabulayay,Waxaanay Qabsadeen Gudihii Magaalada Burco intii u badneyd,
Lacag Jaceylkuna Waa iska Dabeecade Waxoogaa Saleebaan Bixiyay Mooyee
intii kale Qaleylka ayay kusoo qeybsadeen isaguna Isagoo Intiisii jeebka
kusoo Ritey ayuu soo Noqdey.
Maalintii Dambe markii la Isugu Yimid Shirkii Golaha Wasiirada Waxa uu
Marxuum Cigaal Weydiiyay Su,aal aheyd Xagey Wax iska Badeleen Sawtan
Burco Qolyihii inaka soo horjeeday Qabsadeen Kadibana Waxaa Su,aashaa ka
jawaabay Saleebaan Waxaanu yidhi "Madaxweyne Raggan Burco Ku
Dagaalamayaa, Waa Ragii Shaley isku meesh kawada Dagaalamay oo Wey is
dagaal Yaqaanaan, Sidaa daraadeed ayey Qoloba Mar u qabsaneysaa
Magaalada" Ayuu Saleebaan Gaal ku yidhi Marxuum Cigaal.
Markay halkaa mareyso Sheekadu ayuu Allaahu yarxame Marxuum Cigaal
Beebkiisii.ka Rogey Buurigii Kujirey, Waxaanu ku Shubtey Mid Cusub
Markuu Budh kasiiyay ayuu yidhi halkaa Saleebaanow iigu Celi Sawkii
Muuse igu yidhi Abtiyaashaa 'Sta' kamay mid aheyn, Kalmadaas ayuu
isticmaaley Waayo Ururkii SNM Wuxuu u yaqaaney(Sta), Kadibna Waa lagu
kala Dareeray, Waxaanu Qabtey Shir-jaraa,id isagoo Sheegay in Dagaalky
Mashruuc yahey oo uu Labada dhinacba Isagu(Cigaal), labadaba Madaxweyne u
yahey Waana Maalintii Ay sitoos ah u jabeen Kooxdii Calancasta ee
Markii hore isku xeeray.
Sikastaba ha noqotee Waxaa halkaa inooga Cad in Madaxweynuhu yahey nin
Maalintaa ka been Sheegayay halgankii umadda Somaliland gaar ahaana
Beesha Dhexe Soo gashey ee ay ka Sinaayeen Naf iyo Maalba Suurtagalna Ma
aha in Maanta laga Raadiyo in uu dhex ka noqdo Hogaanka Dalka Waayo
isagoo ka yar inta uu Maanta yahey ayuu Gees ka joogay Beel dhan
Maantana hadalkeedba Daa Bal.aynu eegno halkuu Geedigaas inoo furo ileyn
durtaba dheeli badan ayaa jira,e. Ilama aha in uu Ergadan ay Kamidka
yihiin Mujaahid Xasan Guure iyo Raga kale ee Kamidka ah Wax ka Maqlayo,
Laakiin Isagu Wuxuu jecelyahey in uu Xasan Shahar iyo Raga lamidka ah
dhageysto.
Wabilaahi Tawfiiq
Nijiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
0634466339
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...