Dawlada Ingiriiska Oo Ka Walaacsan Xadhiga Ay Caadaysatay Xukuumada Muuse Kana Hadashay Xubnaha Waddani Ka Xidhan Iyo Doorashooyinka

0
Friday November 22, 2019 - 23:08:23 in News by
  • Visits: 3286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Ingiriiska Oo Ka Walaacsan Xadhiga Ay Caadaysatay Xukuumada Muuse Kana Hadashay Xubnaha Waddani Ka Xidhan Iyo Doorashooyinka

    Dawlada Ingiriiska Oo Ka Walaacsan Xadhiga Ay Caadaysatay Xukuumada Muuse Kana Hadashay Xubnaha Waddani Ka Xidhan Iyo Doorashooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Ingiriiska Oo Ka Walaacsan Xadhiga Ay Caadaysatay Xukuumada Muuse Kana Hadashay Xubnaha Waddani Ka Xidhan Iyo Doorashooyinka


Hargeysa(HWN):-Dawlada Ingiriiska ayaa ka walaacsan xadhiga ay caadaysatay xukuumada Muuse Biixi ee haysa talada somaliland.

Image result for stuart brown in somaliland


Wakiilka dawlada Ingiriiska u qaabilsan somaliland Stuart Brown ayaa ka waramay walaaca ay ka qabaan xadhiga fara badan ee ay xukuumada Muuse Biixi u adeegsanayso cid kasta oo ka afkaar duwan, isaga oo si gaar ah u sheegay inay ka walaacsan yihiin xadhiga masuuliyiinta sarsare ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani kaga xidhan habka sharci darada ah.


Stuart Brown ayaa qoraal uu soo saaray oo uu ku baahiyey bartiisa twitter-ka ayaa waxa uu ku yidh "Ingiriisku waxa uu si qoto-dheer uga walaacay xadhiga lagu la kacayo Masuuliyiinta xisbiyadda mucaaradka ah ee somaliland, waxaanan ugu baaqayna dawlada inay si dhakhso ah maxkamad u horkeento xubnaha xidhan ama si deg deg ah xoriyadooda ugu soo celiso.”


Sidoo kale wakiilka Ingiriiska ayaa dhinacyada isku khilaafsan siyaasada somaliland u soo jeediyey inay dib u furaan wada hadalkii u dhaxeeyey waxaanu yidhi "Waxaanu dhiiri gelinaynaa in dhinacyada oo dhami ay cusboonaysiiyan wada hadalka si ay u suura galaan in la qabto doorashooyinkii baarlamaanka iyo dawladaha hoose oo aanay dib u dhicin.”


Halkan Hoose Ka Akhriso Fariinta Wakiilka Ingiriiska



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...