Duulimaadyadii Tooska Ahaa Ee Muqdisho Iyo Nairobi Oo Markale Go'aan Laga Gaadhay

0
Friday November 22, 2019 - 23:05:32 in News by
  • Visits: 2285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duulimaadyadii Tooska Ahaa Ee Muqdisho Iyo Nairobi Oo Markale Go'aan Laga Gaadhay

    Duulimaadyadii Tooska Ahaa Ee Muqdisho Iyo Nairobi Oo Markale Go'aan Laga Gaadhay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duulimaadyadii Tooska Ahaa Ee Muqdisho Iyo Nairobi Oo Markale Go'aan Laga Gaadhay


Muqdisho(HWN):-Duulimaadyadii tooska ahaa ee u dhaxeeyey Muqdisho Iyo Nairobi oo in mudo ah hakad ku jiray ayaa mar kale go’aan laga gaadhay.

Image result for Muqdisho Iyo Nairobi


Hay’adda duulimaadyada rayidka ah ee dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa sheegtay in dib loo bilaabay duulimaadyadii tooska ahaa u dhaxeeyey Muqdisho Iyo Nairobi.


Talaabadan ayaa qeyb ka ahayd heshiis ay dhawaan ku gaadheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya Madaxweynayaasha dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabudllaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.


Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho maanta si toos ah waxaa uga duushay diayaarad ku sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, taasoo rakaabka saaran si toos ah uga dajin doonta Nairobi iyada oo aan si imarin Wajeer oo markii hore ay qasab aheyd in ay sii maraan diyaaradaha ka duula Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Image result for Muqdisho Iyo Nairobi

Dowladda Kenya ayaa bilo ka hor soo rogtay in dhamaan diyaaradaha ka imaanayo Soomaaliya ay ku hakadaan garoonka caalamiga ah ee Wajeerr si baaritaan loogu sameeyo.

Loading...
Loading...