Banaanbixii Waddani Oo Fashiliyay Qorshe Uu Maleegayay Madaxwayne Biixi

0
Friday November 22, 2019 - 20:23:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 6849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaanbixii Waddani Oo Fashiliyay Qorshe Uu Maleegayay Madaxwayne Biixi

    Hargaysa (HWN) banaanbixii gudoomiyaha xisbiga waddani ku dhawaaqay 17-kii bishan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (HWN) banaanbixii gudoomiyaha xisbiga waddani ku dhawaaqay 17-kii bishan
november ayaa fashiliyay qorsheyaal uu maleegayay madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi labadii sanno ee uu taladda dalka hayay



madaxwayne biixi ayaa labadii sanno ee uu taladda dalka maamulayay xooga saaray dhismaha ciidamadda kala duwan ee dalka isagoo uga dan lahaa inuu dhiso cudud ciidan oo uu ku ilaashan karo kursiga hadii loo baahdo ama uu arko cid isku dayaysa inay wajahdo kursigiisa


dhanka kale madaxwaynaha ayaa mudadaas raad goob ugu jiray samaysashadda taliyayaal milatari ah oo maamula ciidamadda bilayska badda iyo asluubta kuwaas oo kaliya ku shaqaynaya awaamiirtiisa sax iyo khaladba


waxa qorshayaasha madaxwaynuhu wato kamid ahaa in shacabka lagu beero cabsi dhinaca ciidamadda ah islamarkaana ay si xoog ah uga cabsadaan ciidamadda taasoo madaxwayne biixi u arkaayay qorshaha kaliya ee uu ku haysan karo dalka


balse waxay dhamaan qorshayaashii madaxwaynuhu labadaas sanno ka shaqaynaayay hal bacaad lagu lisay noqdeen kadib markii xisbiga waddani ku dhawaaqay banaanbax salmi ah oo taageerayaashiisu iskugu yimaadaan xarunta xisbiga ee hargeysa kaas oo xukuumadu si adag uga biyo diiday islamarkaana taliyaha ciidanka boolisku hanjabaad adag shacabka u mariyay warbaabinta balse subaxnimadii ay taageerayaasha xisbigaasi xoog ku qabsadeen xaruntii xisbigaas oo ciidamo tiro badan lagu daadiyay habeenimadii arintaas oo keentay in madaxwayne biixi arkay inaan shacabka somaliland ahayn qaar loogu hanjabi karo ciidamo islamarkaana aanay dhagaysan karin hadii awaamiir caga juglayn ah oo khaldani kasoo baxaan madaxda dawladda iyo kuwa ciidamadda amaanka.


si kastaba ha aahatee madaxwaynaha somaliland ayaa hal bacaad lagu lisay uu noqday qorshe uu soo dhisayay labadii sanno ee kursiga ku fadhiyay isagoo imika la yaaban waxa helay qorshihiisii uu mudadaas dhisaayay waxa la filayaa inuu madaxwaynuhu dhawaan xilalka ka qaadi doono qaar kamida taliyaasha ciidamadda gaar ahaan kuwa amaanka oo uu u arkay inay qorshihiisii uu mudada badan kasoo shaqaynaayeen fashiliyeen.

Hadhwanaagnews.

Loading...
Loading...