Dacwad Lagu Soo Oogay Raysal Wasaaraha Israa'iil Iyo Waxyaabaha Ay Ku Saabsan Tahay

0
Friday November 22, 2019 - 16:03:12 in News by
  • Visits: 1606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dacwad Lagu Soo Oogay Raysal Wasaaraha Israa'iil Iyo Waxyaabaha Ay Ku Saabsan Tahay

    Dacwad Lagu Soo Oogay Raysal Wasaaraha Israa'iil Iyo Waxyaabaha Ay Ku Saabsan Tahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dacwad Lagu Soo Oogay Raysal Wasaaraha Israa'iil Iyo Waxyaabaha Ay Ku Saabsan Tahay


Dacwad oogaha ugu sarreeya Israel ayaa ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu kusoo oogay dacwado la xiriira laaluush, khiyaameyn iyo kaslooni lumin.

Israel


Dacwadahan ayaa waxa ay xuduntoodu tahay eedeymo ku saabsan in ra’iisul wasaaraha iyo xaaskiisa ay qaateen dhayman, sigaar iyo khamro qiimahooda dhan yahay 260,000 oo dollar iyo hadiyado kale oo ay ku bedesheen ayaga oo fulinaya dano siyaasadeed.


Netanyahu ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu faro-gelin ku sameeyey hay’adaha sharci dejinta dalka, isaga oo matalaya laba shirkad oo warbaahineed, taasi oo uu dhaafsaday in warar wanaagsan laga baahiyo.


Waa markii ugu horreysay taariikhda Israel oo ra’iisul wasaare xafiiska fadhiya lagu soo oogo dacwado la xiriira eedeymo dambiyeed.


Netanyahu oo Israel hoggaaminayey 13 sano ayaa baaritaanka ka dhanka ah ku qeexay "isku day afgambi.”


Source:-VOA
Loading...
Loading...