Miciyaha Waxaa Loo Listaa, Yaad Ku Meleg-taaye ( Abdi-Shotaly).

0
Friday November 22, 2019 - 15:54:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Miciyaha Waxaa Loo Listaa, Yaad Ku Meleg-taaye ( Abdi-Shotaly).

    Aduunyooy xaalkaa-be, Maahmaah reer xamar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aduunyooy xaalkaa-be, Maahmaah reer xamar
 ah baa waxay tidhaahaa " Abkay dooli dilay, dad nool maw daahaa" waxa weeye, ninka jiir u dul qaadan waayey, dadna muxuu ka yeeli lahaa, aan hoos u dhaadhaco'e, ayaanba ayaanta ka dambaysa, murugo iyo wax aad diido baad ku soo toosaysaa, oo dalkeenii uu qasan yahay, sharciggii dabadaa laga tuuray, kala dambayn mooyi goor ugu dambayay, shicib laga war qabo iyana iska ilaw, xaquuq la dhawro-na haba sheegin, ilo-xanaano oo lagu eego dan yarta meeshaba ma taallo, maamulkii aynu ka sugaynay in uu ka soo baxo wixii loo egmaday, waa kaa sare u kaajay. Waxay shabahaan markii ay dhereg dhaafeen, ee xoolihii ummadan tabaalaysan lagu kala tegay, siddii uu u dhibi-shaxan jirey awrka baarqubka ahi, oo isna markuu naqa gu'gga daaqo, doobta canka ka lalin jirey, ilayn dibiradda baa labadaba uga dartee, Aan ku soo durko halka i manakh lahe iga gudoon. Xukuumadani waxay la aragti tahay, sidda uu awrkaasi aan sare ku tilmaamay uu u weero Qaalimadda yaryar ee geeliisa ka mid ah, isaguna uu dhalay, baa maamul-kanina uu ilaaladda uga meeriyey, shicibkii la yidhi adaa xil kaa saaran yahay9 Ee weliba boobka uu ku qabsaday", illaahay ka sokaw in aad dariiqa toosan ku hagto, sidaas oo ay ahayd wixii uu sameeyey ( ASfar-qaad buu ku sii dray iyo iimaan la'aan, aan xad lahayn, maxaa ka daba yimi ee saaka xaalku ku sugan yahay? Shalay oo u dambaysay, waad la socoteen, in ardayddii imtixaanadda gelaysay,  Waxa midh subxaana-laahi ah, Tuugta meesha isugu yeedhatay, ee tidhi "Waraabaw waa hal aan cidi lahayn" waxa keliya ee u darani waa siddii ay kursiga u sii haysan lahaayeen, wixii dhimanaaya ( dad iyo duunyo), mid-na dani kama hayso xukunal-qar-qooshka askarta iyo qudhmiyaha is xambaarsan, waxase ay tallo u taallaa adiga ( Shicibka weeyaane), oo ay tahay in aad si fiican, oo ka fiirsasho leh aad u falanqayso, in aad sidaa ku sii jiri karto iyo in kale. Bal hadaba aintaas awgeed in yar oo maanso ah, ku soo dhawaadda waa tane:-


Muusanawga ubadkiyo, macaluusha gaajadda jirtiyo,
Maatadda banaanadda la wadhay, ee milicdda ooyeysa,
Minankaad is taagtaba dad-yahaw, maydku buux dhaaf-ye, 
Dhankii aan miliilico bakhtigu, muush ayuu yahay, 
Ma yeedhaan dhamaadaa iyana, meel kastaba yaale. 

Maantadan maxaa kuu hadhay, eed weli ka maan dhawri,
Ma naxaanadaas baa arladda, maalay keli-goode,
Ma kuwaas baan dhawrsanaa gacalkayaw, aan midh reebaynin.

Waa kaa maamulkii iibiyeen, badi muhiim-kiiye, 
Murdisaa id-laysoo ma hadhin, meel lays taagaaye, 
Miciyaha waxaa loo listaa, yaad ku meleg-taaye,
Waa weji macaash odayadaa, duubtay madaxiiye,
Kuwo Madax-dhqameed sheegta, baan maadhna reebayna,

,Maantadan maxaa kuu hadhay, eed weli ka maan dhawri, 
Ma naxaanadaas baa arladda, maalay keligoode,
Ma kuwaas baan dhawrsanaa gacalkayaw, aan midh reebaynin.

Mid wasiir la yidhi baa isana, madhiyey xooliiye,
Maaliyadda kuwii haystay baa, meel kalaw duwaye,
Mugdi bay ku qayb-shaan intaa, maalin iyo leyle,
Waa wadda Miskiin seef-layaal, miista doolarka'e,
Askartaa melmelan baa iyana, iibshay marsadiiye,

Midiyaha waxaa loo sitaa, maanta yaad qadine,
Hanti dhawr ma jiro qaranka'oo, way muquur-teene,
Musuq-maasaqii oodda jebi, sicirna maan-dhaaf-ye,
Ka maleegte dhalintii kolkii, layska baal maraye,
Badahay ku daateen markay, meeha-naabeene.

Maantadan maxaa kuu hadhay, eed weli ka maan dhawri, ,
Ma naxaanadaas baa arladda, maalay keligoode,
Ma kuwaas baan dhawrsanaa gacalkayaw, aan midh reebaynin.

Mid is doortay oon jirin baan, meel ii wadine,
Qaar milkhsa-naayaa u hadhay, mudan dal-keeniiye,
Askari baa Mahoobiyey xilkii, magan illaahaye,
Miyarkaba ma qabo ruuxa ay, meesha keeneene,
Hantiddii masaakiinta buu, baayaca mariyaane.

Maantadan maxaa kuu hadhay, eed weli ka maan dhawri, ,
Ma naxaanadaas baa arladda, maalay keligoode,
Ma kuwaas baan dhawrsanaa gacalkayaw, aan midh reebaynin.

Dus-dus aan meel tegayn, male awaal-kiisa,
 Buu Saylac uu moodayiyo, Saaxil minankeede,
Musqulaha duqsiga jooga, buu miciin sadaye,
Waa macangag aan talo lahayn, oon joogin miyir-kiiye,
Allaw yaa u maan celiya ruuxan, maafish weeyane.

Maantadan maxaa kuu hadhay, eed weli ka maan dhawri, ,
Ma naxaanadaas baa arladda, maalay keligoode,
Ma kuwaas baan dhawrsanaa gacalkayaw, aan midh reebaynin.

akhristaw, waa duni aakhiro sabaan ah, nin la odhan jirey laf-cambe (AHN), baa wuxu beri hore tiriyey, tix uu wakhtigaa kaga hadlaayey, wax yaabo fara badan oo ka yaabiyey, waxa ka mid ahaa:-
Waa duni la kala iibsaday, oo nala ogaysiine,
Waa duni ninkii aad  ahaa, aakhiraw kacaye,
Waa duni wadaadkii adimay, loo dagaal tegaye ( bal salaaddda hore, buu mu'adin-kaasi nagu qaylinayaa, maalin walba, qaar sidaas leh buu maqaly), waa gabay dheer, laakiin intaas baan ka soo qaatay, waxan-se uga socdo bal hadda ila qiyaas, isaga oo Illaah ha u naxariisto'e, wakhtigan nool, waa su'aale miyuu is dili lahaa? Mise hadal-kaba wuu dayn lahaa? Muxuu fali lahaa baad filaysaan?  Ujeedo iyo haatan, nin reer burco ku caan ahaa, inta badana Somaliland dadka abdan-kiisu hayo sheekooyin-kiisa, oo la odhan jirey " Hooraaye (AHN)" baa wuxu arkay, maamulkii faqashtii ( oo kun jeer dhaamay kan), marka gebi ahaan-ba la is barbar dhigo, askar ciyaal yaryar oo mudaaharaaday eryanaysa, dabeed wuxu yidhi " Sodon sano ( 30 years) bay na shiidayeen, oo aanu intaa u dul qaadanaynay, iyana iyaka oo dawlad isku sheeg ah, bay maalin qudha oo ay kaceen ubadkii yaryari ay sidaa u gelayaan".

  Murti Somaliyeed baa tidhaaha " Dib u dhigasho, Ka dhiidhi Xumaanta Baa Dhaanta" Waa xikmad uu wax ku qaato qofkii  in uun fekerayaa.Waa yahaye cibaaradda nala tusay, maxay is dhaamaan tan dalkii kicisay iyo taa uu hooraaye ka hadlaayey? Tee baase xun?. Faqashtii waxay ka xishootay bay tani ku faantaa. in ay sidaasi run tahayna, waa taa dhulkii, bad, beri, cir, buur, banaan, dooxo, jago banaan kuli wadda xaraashtay,ee dhulkii dadka shicibku lahaa ugu awood sheegatay ( qaylo dhaanta waad maqlaysaan goor kaste-ba taagan) ee ah dhul baa nala ka qaaday,  deked iyo iyo garoono way socdeene, xataa digaddii adhiga, saaladdii geelaa, faantaddii lo'dda, waxa hadda laga iibiyaa Shiinaha oo gurta, war ma haysaane dad-yahaw. T a cayn-kaas ah, ee an dhaafayn xaarka bakaylaha, baa qaar inaga mid ahi, weli sacabka u garaacayaan ( Finaka cawdu-bilaah).  Ummad yahay mar uun fekera, oo dhacsadda dal-kiinii socoye, ama sugu inta adiga lagaa faasaxaayo Carab kale, oo siddii cabiiddii laba dible inta laguu xidho, oon sidda xoolaha sayladda lagu keenin, ee aanu Carab siddii wanka adhaxdda ku taaban, dilaaliintu inta ay gacanta hoosta iska geliyaan, odhanin intaas oo hore iyo intaas oo dambe, baa joogaan odaygan, inantan, doobkan hooyadan iyo ilmaheedu, oo aan mid-ba qiimo loo goyn, ma idinla tahay in aan iska gaadhno, oo food ma jiro iyod oorasho'e,  qori caaraddii ma ku muquuninaa ( askari taas uun buu yaqaanaa),  akhristaw aday kuu taal, alaalaw eed la'aan, imika laguu dig, hadaad iska dhego tirto, ma foga goorta uu daad kuugu soo geli doono barta aad fadhido

* N.B Dib U Dhigasho, Ka Dhiidhi Xumaanta Baa Dhaanta!
Qore:- Abdi-Shotaly,


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...