Xukuumadda Kulmiye Intaa Aasbay Dul Joogaan Hadana Ilaahay Kama Baqaan.

0
Friday November 22, 2019 - 15:44:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Kulmiye Intaa Aasbay Dul Joogaan Hadana Ilaahay Kama Baqaan.

    Wadada qudhee SOMALILAND lagu badbaadin karaa waa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadada qudhee SOMALILAND lagu badbaadin karaa waa
Mudaharaad dadka waxgaradka ah ,Ardayda, ururada bulshada, Suxufiyiinta, dadka jaamacadaa dhameeyey ee shaqo la'aanta  Suuqyada tuban , dadka sida gaarka ah loo laayo ee gabooyuhu ka mid yahay iyo wixii ummad dulmiga arkaysa.  Ummadda waxaa u heshiiyey Madaxweyne, Guurti ku sheeg  Baarlamaan ku sheeg oo distoorkii way laabeen, wax waliba waa (dead Lock). Albaabkaa  ku xidhmay reer Somaliland ee aan sharci ka shaqayn karin intaa u heshiisay ummadda ee lacagta cashuurta qabsada, mushahaarooyin culculus qaata  dadkii ku dhex bakhtiyey ha ka sugina inay wax hagaajiyaan.

 

Haddaa Mudaharaadi weydaan cid doorasho saxa idiin qabanaysaa ma muuqato,  cid Baarlamaan iyo guurti bedelaysaa ma jirto. Waxa dadka qaar loo daadiyaa  ee reer hebel baynu nahay la yidhaahdaa ee qaar lagama hadliyaa waa waxa  digaagga loo daadiyo oo kale.

 

Dunida ayda beretansiisa ee ku khammaartaa waxay eyda tusaan wax dhalanteedkoo kale ah oo electronic ah oo hor ordaya eyda oo ay ayduna is leeyihiin caqli yaraantooda  soo qabta sidaasaa lagu yidhaa EY EBEL baa dheereeyey sidaas lacagta khammaarka lagu kala  helaa. SOMALILAND KULMIYE SHACABKII REER SOMALILAND EYDAA LA BERETANSIINAYO AYEY KA DHIGEEN SIDAASAY LACAGTA YAR EE WADANKANA KU GURTAAN.  imika arintu wey qufulantay baarlamaanka halkaasaa lagu haynayaa iyo Guurti ku sheegga  waa kordhin abada ah , distoor shaqaynayaa ma jirayo walaa Muse walaa ku ka dambeeya , Kacdoon shacab uun baa wadanka badbaadin kara. Kuwaa ku sheekeeya SNM baa wadanka soo  badbaadisay  waa been arintaasi wixii  Afweyne oo Xoog lahaa  wadanka ilaahay ka sokow lagu  badbaadiyey waxay ahay Kacdoon shacab oo muddo soo jiitamayey oo ururka  SNM samaystay imikaan ha sugina in Madaxweyne iyo Baarlamaan lacagtay guranayaan joojiyaan illaa lagu mudahaaarado si joogto ah  oo gobolkasta ah oo cashuurta la diido kol haddii madaxii u saraysay lagu hayo sharci Kevin Diin jebin iyo xoolo gurasho muuqata. U fiirsada guryaha iyo xafiisyada madaxda iyo baarlamaanka qaar sida kibirku uga muuqmuuqdo iyo afcaashooda iyo nolosha shacabku  ku jiro reer kasta  ee hadana indha sarcaadka shacabka loo dhigayo iyo reer hebel been beena. Nina ninkii ka tuugsanaabaa laga hadliyaa oo shacabka isku dir la yidhaa.

Maalin walba qof baa  dhinta Kulmiye oo ay xabaasha  iyo xisaabta aakhiro dusheeda sida shayaadiinta uga ammaanaan.

 

HUKUUMADDA KULMIYE INTAA AASBAY DULTAAGANTAY HADANA ILAAHAY KAMA BAQAAN .MURAAYADO MADMADAW  BAY KHAJILAADDA IYO BEENTA ISKU QARIYAAN. DADKU  DHAQANKOODA HA U FIIRSADAAN IYO SIDAY U NOOL YIHIIN WAA MADAX AAD U XUN XUN OO MEELO XUN XUN UGU SOO TASHADA BULSHADA.

 

MUDAHARAAD IYO KACDOON AAN JOOGSAN BAA BAARLABAANADA XAARAAN CUN KA AH IDIN DHAAFIN KARA. NIN MEEL FADHIISTAYNA UMMAD MADAXIISA KUMA WADI KARO EE DISTOORKA IYO DIINTA HA LOO HIILIYO. Maalin walba wax muran keena oo shacabka lagu  jahan wareeriyo oo muddo laga soo shaqaynayey ayaa la keenay, maanta CIFIIDKU  WAA RIYA RAAC BERINA CIRFIID KALE AYAA UMMADDA LA HORKEENAYAA. WAA JIHO WAREERIN LAAKIIN WIXII NOOLAW  U FIIRSADA NOLOSHOODA  DAMBE KUWAA UMMADDA  ĶU CIYAARAYA.

 

M BASHE

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...