Proff Cabdi Cali Oo Shaaciyey Masuul Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi Oo Ka Faafiya Dacaayado Been Ah

0
Friday November 22, 2019 - 15:26:17 in News by
  • Visits: 4532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Proff Cabdi Cali Oo Shaaciyey Masuul Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi Oo Ka Faafiya Dacaayado Been Ah

    Proff Cabdi Cali Oo Shaaciyey Masuul Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi Oo Ka Faafiya Dacaayado Been Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Proff Cabdi Cali Oo Shaaciyey Masuul Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi Oo Ka Faafiya Dacaayado Been Ah


Hargeysa(HWN):-Proff Cabdi Cali oo ka mid ah aqoonyahanka somaliland ayaa shaaciyey masuul ka tirsan xukuumada muuse Biixi oo hadyo ka faafiya warar aan jirin oo dacaayado raqiis ah u badan.

Image result for agaasimaha wasaarada shaqo gelinta cabdirashiid

Masuulka dacaayadaha ka faafiye Proff Cabdi Cali waa Agasimaha guud ee wasaarada shaqo gelinta Cabdirashiid Ibraahin Cabdiraxmaan

Proff Cabdi Cali ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku soo bandhigay dacaayado aanay waxba ka jirin oo uu ka faafiyey agaasimaha guud ee wasaarada shaqo gelinta iyo arimaha bulshada Cabdirashiid Cabdirashiid Ibraahin Cabdiraxmaan, waxaanu qoraalka Proff Cabdi Cali U Dhignaa sidan:-


Xalayto nin oday ah oo ka mid ah friends ka Facebuugga ayaa na dhexgalay aniga iyo inankii sheekadu noo socotay; sidaa darted ma rabo in aan inankii u jawaabo; isagu waa saamax; laakiin waxan maanta rabaa in aan u jawaabo oo la wada maqlo ninka aan u aqoonsanahay in uu yahay warshadda samaysa dacaayadaha raqiiska ah ee wada beenta ah ee aniga igu saabsan; maxaa yeelay hore ayaan u maqlay dacaayadaha qaarkood, qaarna gabigoodaba immikaa iigu horeysa maqlkooda; laakiin waa isku meel meesha ay ka soo wada baxeen; fartuna waa tii ninkaas aan beri horeba ogaaday in uu magac dilis aan meel gaadhayn uu waligii ku hawlanaa. Sidaa darteed, waxan go'aansady in aan beentiisa ninkaa kashifo, oo ka jawaabo eedihii la ii soo jeediyay.

Image result for Prof cabdi cali
Proff Cabdi Cali Jaamac

Sidaa darteed, anigu uma jawaabayo inanka soo qoray waxan, ee waxan abbaarayaa isha ay ka soo baxeen waxani; maxaa yeelay maanta haddii aanan isku gubin ninkaas iyo beenta uu ku hawlanaa muddada dheer, waxa laga yaabaa in dadka qaar u qaataan in waxan wax ka jiraan; khasab ma aha in uu inanaka eedaha soo qoray uu qofkaas toos uga helay warka; waxa dhici karta in uu cid kale ka helay; laakin isha ay ka soo baxaan ayaan ogahay, maxaa yeelay aniga dadku aad baan isu ixtiraamnaa, runtii; dadka aanu is naqaanno oo dhan waa dad aanu is wada jecelahay; sidaa darteed aad bay u kooban yihiin dadka caynkan ah ee laga yaabo in aanay ii calool fayoobayn; kuma darin qolada xukuumadda ee aanu is jiidhnay; laakiin iyaga laftooda shakhsi ahaan waanu is ixtiraamnaa; mana qabo in ay gaadhi karaan illaa xadkaas.


Waxan uga jawabi doonaa mid mid iyo qodob qodob eedahaas iyo ceebahaas aan ogahay xaqiiqdooda ee la igu soo ganay; caddaymahoodana waan idinla wadaagi doonaa kolba sida ay u suuragasho; waxa ugu muhiimsanaa oo maanta aan ka hadlayaa:


1-in aanan Jaamacddii Muqdisho dhamaysan, kulliyadii dhaqaalaha, oo ay igu badh g'odya, isla markaana aan iska dhigay nin dhamaystay, sidaana ku qalday dadkii.


Xantaas hore waan u maqlay muddo dheer ka hor; waxase soo afjaray lot kayagii oo wada nool, Hargeysa iyo qurbahana wada jooga, lot lot baanu isu wada naqaanay. Lot kayagii, hadduu yahay Engineering, Medicine, Veterinay, Econmics etc waanu is wada naqannaa; wax qarsoomi karana ma aha; inta reer Somaliland ah ayaa ba ciiddaa ka badan; si gaar ahna class mates kii aanu kulliyada dhaqaalaha ka wada qalin jabinay ayaaba dhawr nin Hargeysa maanta ina la joogaan; waxa ka mid ah A/slaan Yusuf Farax oo UNDP da u shaqeeya iyo Maxamed Sheikh yusuf oo Daalo ariline ka tirsan;


malaha waxay maqleen uun Prof Abdi Ali; haddii aan halkan documents immika soo dhigo ma garan kartaan waxay yihiin; sideedabana, shahaadada qofku markuu doono ayuu jaamacadda ka qaadan jiray; lotatkii naga horreeyay qaar badan baan qaadanba waligood wax shahaado la yidhaa; qofku marka uu u baahdo ee waxbarasho dibadda ah uu u baxayo ama muraad kale uu u yeesho ayuun buu qaadan jiray shahaadada. Nasiib wanaag, aniga iyo rag aan ku jiraa markii dagaalka sokeeye ka bilaabmay Muqdisho ayaanu ku yaacnay Jaamacaddii, waxanu ka soo helay documents kayagii oo dhan. Haddii aan soo koobo warka, annagu waxa aanu ahayn lot kii ugu danbeeyay ee ka baxa Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed Sept,1990; lot kii annaga nagu xigay ee ay ku xidhantay iyagoo sannadkii u danbeeyay ku jira Hageysa dan ayay ka buuxaan iyagoo kulliyad kasta ah!!! Beenaaluhu hareerihiisa ma eego!!! ma waxay moodayaan, tolow in aan madi ahaa...Cajiib!!!


Haddaba, arrinkii waxa aan ka hadhin ninkaas aan idiin sheegayo; dad badan oo iga codsaday in aanan magacoda sheegin ayaa mid mid iigu yidhi (iyagoo aan is ogeyn) waar ninyahaw warkaas waxa fidiya oo anaggana noo sheegay yarka la yidhaa A/rashiid; waan u dhabagalay si aan u hubiyo; waa runtood ee waan soo taabtay in uu inankaasi arrinkaas aad isugu mashquuliyay, hawl badanna geliyay sidii dadku u rumaysan lahaayeen. Inankaas waa nin aad iiga yar; malaha xaggii kalena waaba la isu kaaya tirinayaa; had iyo jeer na waxa isku mashquula dadka isu dhaw dhaw da' ahaan; waaban dhali karaa Biology ahaan, sidaa darteed maan fahmin sababta uu illaa immika u sii qaybinayo dacaayadaha raqiiska ah; markii danbe waxan ogaaday in dacaayado badan oo kale uu sameeyo sida ay ii sheegeen dad muxtarimiin ah oo uu u sheekeeyay, anigana i dareensiiyay in aan ka taxadiro; laakiin, intii uu meesha yimid, waxan is lahaa wuu joojiyay soo saarista dacaayado cusub; hase yeeshee, qoraalkii na dhex maray inanka sheekadu noo socotay maalmahan, waxan ka fahmay in uu immika qaar cusub daawaha ka soo qaaday; talaw, dumaashiina miyaanu ku qancin, saw tii aan u tuuray laftii markii aan ka yaabay sidu ii soo eegaayo!!! Alla cawri kululaa, xabbadi ku dishay!!!! waa tii laftiiba iga dhacday!!!

La soco jawaabaha eedaha kale....

Cabdo; maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga

Loading...
Loading...