Talyaaniga Oo Gargaar Soo Gaadhsiiyey Dawlada Soomaaliya
Talyaaniga Oo Gargaar Soo Gaadhsiiyey Dawlada Soomaaliya
Gargaarka ka yimid dowladda Talyaaniga ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee yimadaan Yurub oo loogu tala-galay in lagu caawiyo dadka ay ku dhufatay Fatahaadda gaar ahaan magaalada Beledweyne.
Diyaarad weyn oo sidda gargaar loogu tala galay dadka fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay Soomaaliya ayaa goor dhow soo gaartay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.
Guddiga gurmadka Fatahaadaha ayaa garoonka Muqdisho kula wareegay deeqdaan ka timid dowladda Talyaaniga, waxaana ay sheegeen in dhawaan la gaarsiin doono dadka ay saameeyeen Fatahaaddaha.
Loading...
Loading...