Suuragal Ma Tahay In Doorasho Qof Iyo Cod Ah Ay Ka Dhacdo Soomaaliya?

0
Thursday November 21, 2019 - 09:12:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suuragal Ma Tahay In Doorasho Qof Iyo Cod Ah Ay Ka Dhacdo Soomaaliya?

    Xilli doorashada Soomaaliya ka harsan tahay sanad ayaa wali waxaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli doorashada Soomaaliya ka harsan tahay sanad ayaa wali waxaan

kala cadeyn nooca doorasho ee uu dalka yeelanayo, maadaama sharciga doorashada uu horyalao barlamaanka, dhawaanna la filayo in uu go'aan ka gaaro




Guddoomiyaha barlamaanka ee Soomaaliya, Maxamed Sheikh Cabdiraxmaan Mursal ayaa guddi ka soo tala bixiya nooca doorashada u saaray, guddigaas oo booqasho ku tegay maamulada dalka, si ay usoo ogaadaan aragtidooda ku aadan doorashada.


Hasayeeshee guddiga doorashada ee Soomaaliya oo ay guddoomiye u tahay Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo la hadashay BBC-da ayaa sheegtay in haddii barlamaanka uu meel mariyo sharciga doorashada, ay diyaar u yihiin in bisha Maarso ee sanadka cusub bilaabaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha.


"Tallaabada xigta waxaa waye in aan helno shuruuc, doorasho, dastuurka kumeel gaarka ahaa waa jiraa, sharciga gudidga doorashada uu ku shaqeynayay waa jiraa, waxaa naga maqan sharciga doorashooyinka oo barlamaanka horyaalla, oo noo madalsan in aan helno bisha Diseemabr, tallaabada xigta waxaa waaye in aan sameyno diiwaangelinta", ayay BBC-da u sheegtay Xaliimo Yarey.


Waxay intaa raacisay in shaqa badan ay qabteen dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, sidoo kalena aan loo baahneyn tirakoobka dadka oo ay tirakoobayaan dadka codeynaya.


"Tirada aan helno ee Soomaaliyeed ee timaada goobaha codbixinta aan cayimi doonaa oo nabadgelyada iyo siyasadda noo saamaxdo ayaa sheegi karn inta qof ee aan diiwaangelinay, annaga waxaa ku hamineynaa ilaa laba milyan oo Soomaali ah ama ka badan in aan helno", ayay raacisay.


Qaabka ay doorashada uga dhici doonto dhulka ay maamulaan Al Shabaab iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbaaninnida ee Somaliland ayay sheegtay in lagu qeexi doono sharciga doorashada oo haatan horyaalla baarlamaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta kulan la leh madaxweynayaashi hore ayaa agaasimaha madaxtooyada, Cabdinuur Maxamed waxaa uu sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ka wada hadli doonaan ay tahay doorashooyinka 2020 iyo sidii ay Xukuumadda ugala shaqeyn lahaayeen in hannaan doorasho oo hufan oo qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo, awooddana dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed si ay u doortaan madax iyo xildhibaanno iyaga si toos ah wakiil uga ah.


Suurtagal ma tahay doorasho qof iyo cod ah?

Inkastoo guddiga doorahsada uu u muuqdo in uu doonayo in dalka uu ka hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, haddii barlamaanka uu meelmariyo sharciga doorashada ee horyaalla ayaa hadana qaar kamid ah dhinacyada siyaasadda waxaa ay su'aal geliyeen suurtagalnimada arrintaas.


Guddoomiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo maalma ka hor la hadlay BBC-da ayaa sheegay in taas aysan suurtagal ahayn.


"In doorasho qof iyo cod ah dalka looga qabto, waa in tirakoob la sameeyo, diiwanagelin in la sameeyo, sharciga jinsiyadaha in la sameeyo, dhaqaalaha waxaas oo dhan sababi lahaa la helo, in heshiis siyaasad la gaaro oo dhinacyada siyaasadda oo ay ka mid yihiin Dowladda Federaalka, Dowlad goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadda ay gaaraan", ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdi-Shakuur.


Wuxuu intaa ku daray in doorasho qof iyo cod aysan maangal ahayn iyadoo intaas oo dhan ay maqan yihiin.


Xasan Sheikh Cali oo wax ka dhiga mid ka mid jaamacadaha Muqdisho, kana mid ah dadka darsa siyasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in doorasho qof iyo cod ah ay ka horeeyaan in marka hore waxyaaba badan la qabto.


"Hadii xaalka Soomaaliya sii ahaado sida u hadda uu yahay ilaa iyo Bisha Juun 2020, markaas suurta-gal ma ahan in ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho qof iyo cod, sababta oo ah gebi-ahaanba waxaan jirin qof talada Soomaaliya gacanta ku haaya oo doorasho qabta, sidaas oo kale ma jiro degaan nabad ah oo aay suurta-gal- tahay in dadka Soomaaliyeed si nabad ah codkooda ugu dhiibtaan,"ayuu yiri Xassan Cali oo xirirka caalamiga ka dhiga jaamacadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.


Waxaa kale oo uu sheegay in loo baahan- yahay in la yara qurxiyo qaabkii ama habkii doorasho ee dadbanaa ee la isticmaalay doorashadii kol hore ee 2016/2017.


"Saamileeyda siyaasadda Soomaaliya oo aan heshiis ku ahayn qaabka doorashada (Dowlada Dhexe, Maamul Goboleedyada, Xisbiyada siyaasadda, dadka Soomaaliyeed ee daneeya siyaasada iyo beesha caalamku), way adag tahay, waaa in aay ku midoobaan hal-aragti, hadii la waayo, aragti-midaysan suurta-gal ma ahan in aay Dalkaan doorasho ka dhacdo", ayuu raaciyay.


Inkastoo guddiga doorashooyinka madaxabanaan ee Soomaaliya uu sheegay in uu u diyaar garoobay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah, dadka qaarna ay su'aal gelinayaan arrintaas iyo xalaalnimada ayaa hadana waxaana la ogeyn sida arrintaas ay isugu waafaqi doonaan dhinacyada siyaasadda oo ku kala boodsan arrima badan oo ay ka mid tahay qaabka Dowladda ay ula dhaqanto maamul goboleedyada iyo siyaasadda haatan ay Dowladda ku maamusho dalka.

 

BBC

Loading...
Loading...