Madaxweyne Walaakii Ra'isul Wasaare U Magacaabay

0
Thursday November 21, 2019 - 09:07:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Walaakii Ra'isul Wasaare U Magacaabay

    Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay dalka Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa, ayaa walaalkii Mahinda u magacaabay Ra'isul wasaaraha cusub ee dalkaasi.

Madaxweynaha cusub ee Sri Lanka oo lagu wado in Khamiista xilka loo dhaariyo, ayaa xilka qabanay iyada oo xilka ka dagayo Tanil Rajapaksa oo xisbigiisa si weyn looga guuleystay doorashadi toddobaadki hore dalkaasi ka dhcday.

Afhayeen xukumadda cusub u hadlay wuxuu sheegay Mahinda oo laba wareeg oo hore madaxweyne soo noqday ayaa isaga laftiisa walaalkii ka yar u dhaarinaya Ra'isal wasaaranimo.



Labada nin ee walaalaha ah ayaa ah kuwo door weyn ku lahaa soo afjaridda dagaalki sokeeya oo ku dhawaad 20 sano ka socday dalkaasi oo soo gabagaboobay 10 sano ka hor oo ay dowladda Sri Lanka kula jirtay maleeshiyada Timil.


Eedeymo badan oo la xidhiidha dambiyo dagaal ayaa ciidamada dalkaasi loo soo jeedinayey tani iyo marka uu dhammaaday dagaalki sokeeye.


Madaxweynaha cusub ee loo doortay Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa walaalkii Mahinda u magacaabay Ra'isal wasaaraha dalkaasi.


Mahinda ayaana sida oo kale la filayaa Khamiista in xilka Ra'isal wasaaranimada loo dhaariyo.


Doorashada ka dhcaday Dalka Sri Lanka

Doorashada madaxtinimada ee ka dhacday dalka Sri Lanka waxaa u tartamay ilaa 35 musharax waana doorashadii Saddexaad tan iyo 2009-kii markii uu dhammaaday dagaalkii sokeeye ee dalkaasi ka socday muddo tobanaan sano ah.


Doorashada oo ugu dambeynti uu ku guuleystay wasiirki wasaaradda Gaashanaadhigga Gotabaya Rajapaksa loollan adag uu la galay Sajith Premadasa.


Maxay codbixiyeyaasha doonayaan?

Aminga guud ee dalka ayaa la sheegayaa inay tahay arrinta ugu weyn ee ay daneynayaan, hase yeeshee sinnaanta dadka laga tirada badan yahay iyo shaqa la'aanta ayaa iyagana waxay ka dhex guuxeysaa Maskaxda codbixiyeyaasha.


Mr Rajapaksa waxa uu sheegay inuu soo celinayo xiriirka shinaha iyo Sri Lanka.


Dalka Sri Lanka waa JAmhuuriyad Sguuci ah oo ay ku taalla jasiirad dhacdo Koonfurta Aasiya oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 6 malyan oo qof.

 

BBC

Loading...
Loading...