Suldaan Sahardiid iyo Haldoorka Beesha Habaryoonis Ee UK Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyey Suldaan Sh.Yuusuf Cabdi Cawed

0
Wednesday November 20, 2019 - 21:56:40 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Sahardiid iyo Haldoorka Beesha Habaryoonis Ee UK Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyey Suldaan Sh.Yuusuf Cabdi Cawed

    Suldaan Sahardiid iyo Haldoorka Beesha Habaryoonis Ee UK Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyey Suldaan Sh.Yuusuf Cabdi Cawed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Sahardiid iyo Haldoorka Beesha Habaryoonis Ee UK Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyey Suldaan Sh.Yuusuf Cabdi Cawed
Kampalla(HWN)-Suldaan Cabdiraxiin Saxardiid Kaahin iyo qaar ka mida Haldoorka iyo mudanta beesha Habaryoonis ee ku dhaqan cariga Ingiriiska ayaa munaasibad hadhimo sharafeed ah ku maamuusay Suldaan Sh.Yuusuf Cabdi Cawed oo ka mida Salaadiinta miisaanka culus ee ka soo jeeda Somaliland.

Munaasibadan hadhimo-sharafeedka ah ee lagu maamuusay Suldaan Sh.Yuusuf Cabdi Cawed oo ahayd madal si mugle loo soo qaban-qaabiyey, isla markaasina kulmisay haldoorka iyo labeenta bulshada ku dhaqan UK ayaa ka qabsoontay Savannah Restaurant ee magaalada London.


Madax-dhaqameedkii iyo haldoorkii ka hadlay madasha ayaa dhamaantood ka marag kacay muga iyo miisaanka shaqsiyadeed ee Suldaan Sheekh Yuusuf Cabdi Cawed, kaasi oo ay tilmaameen doorkii muhiimka ahaa ee uu kasoo qaatay dhismaha qaranka iyo wadajirka bulshada reer Somaliland.

Kampalla, Uganda
Hadhwanaagnews,Office

Loading...
Loading...