Khilaafka Gacanka Carbeed iyo Is-bedelka Geeska Afrika: Doorkee ayay ka ciyaari kartaa Somaliland?
Hordhac
Tan iyo markii Abiy Axmed bishii April ee 2018 uu noqday Raysal Wasaaraha cusub ee Itoobiya kadib kacdoon shacab oo ku qasbay raysal wasaarihii ka horeeyey inuu kursiga u baneeyo si lama filaan ah, dhaq-dhaqaaqyo aan hore loo arag oo uu horsdeed u yahay Abiy Axmed ayaa bilaabmay. Waxa heshiiyay dawlado hore colaad lagu hoobtay u dhex-tiil, waxaana furmay dood ku saabsan is-kaashi iyo is-dhexgalka dalalaka Geeska Afrika oo ah gobol ka mid ah kuwa ugu xasaradda iyo degonaan la’aanta badan dunida oo dhan.
Somaliland gudeheeda xisbiga mucaaradka u wayn ee Waddani iyo dad kaleba waxay ka soo horjeedaan saldhigga iyo dekedda uu maamulo Imaraadku. Waxaana muuqato in murankaaasi yeeshay weji siyaasad daakhili ah.
Madaxwaynaha Somaliland wuxuu la kulmay raysal wasaaraha Itoobiya oo ay ka wada haldeen sidii loo soo celin lahaa wada xaajoodkii Somaliland iyo Somalia iyo arimo kale oo labada dhinac ka dhexeeya. Waxa todobaadkii hore booqasho aan hore loo sii shaacin ku yimi Somaliland wasiirka arimaha debedda ee Eritriya. Isla todobaadkaas waxa joogay Muqdisho madaxwynaha Jibuuti oo ay si wayn isku hayaan Eritriya. Dooxa, caasimadda Qadar, waxa booqasho ku joogay todobadkaas raysal wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre.
Mawduuca kulanka
Waa kuma Maxamuud Xaashi Cabdi (bio)
Maxamuud Xaashi Cabdi waa mayarkii ugu horeeyey ee magaalada Burco kadib dib u xorayntii Somaliland sanadkii 1991. Wuxuuna ahaa maayarka magaaladda markii Burco marti gelisay shirkii lagaga dhawaaqay dib-ula soo noqoshadii madax-banaanida. Wuxuu ka mid ahaa jabhadii SNM. Wuxuu mudo dheer ka ahaa xubin Golaha Wakiilada Somaliland isaga oo ka mid ahaa asaasayaashii xisbiga Kulmiye oo dawladiisii u horaysay ee xilka qabatay 2010 uu ka noqday wasiirka duulista madaniga ah (2010-2015) iyo wasiirka madaxtooyada (2015-2017). Hadda wuxuu ka mid yahay hogaamiyayaasha xisbiga Kulmiye ee talada haya.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!