Xukuumada Oo Xabsiga Dhigtay Wariye Ka Hawl Warbaahinta Madaxa Banaan Iyo Solja Oo Ka Hadashay

0
Wednesday November 20, 2019 - 17:41:17 in News by
  • Visits: 1626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo Xabsiga Dhigtay Wariye Ka Hawl Warbaahinta Madaxa Banaan Iyo Solja Oo Ka Hadashay

    Xukuumada Oo Xabsiga Dhigtay Wariye Ka Hawl Warbaahinta Madaxa Banaan Iyo Solja Oo Ka Hadashay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Oo Xabsiga Dhigtay Wariye Ka Hawl Warbaahinta Madaxa Banaan Iyo Solja Oo Ka Hadashay


Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa mar kale xabsiga dhigtay suxufi ka hawl gala warbaahinta madaxa banaan ee somaliland.


ururka suxufiyiinta somaliland ee Solja ayaa war saxaafadeed uu soo saaray waxa uu kaga hadlay xadhiga wariyahan oo ka tirsan telefishanka universal, waxaanu war saxaafadeedka Solja u dhignaa sidan:-

No photo description available.


Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa uu fal sharci darro ah u arkaa xadhiga wariye Naasir Guray Meecaad oo ka tirsan Telefishanka Universal oo shalay lagu xidhay magaaladda Gabilay.

Wariye Naasir waxa isla maanta maxkamadda Gobol/Degmo Gabilay u jartay Rumaan inta ay Xeer ilaalintu ka keenayso Eeda loo haysto.

Ururka SOLJA, waxa uu aad uga xun yahay inaan illaa hada la ogayn sababta loo xidhay Suxufigaasi, iyadoo Wakiilka SOLJA ee gobolkaasi loo diiday in la Ogaysiiyo Eeda uu u xidhan yahay.

Dhinaca kale; Ururka SOLJA, waxa uu maanta mar kale soo dhawaynayaa go’aanka ay Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex ku Diiday Asbaabtii Rafcaanka ee ay Xeer ilaalintu ku doonaysay in loogu xayiro Telefishanka Horn Cable Tv.


Ururka SOLJA waxa uu u arkaa Rafcaan ka qaadashada Xukuumadda ee Qaraarkii shalay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku Diiday Codsiga Xukuumadda ee Xayiraada Telefishanka Horn Cable Tv talaabo ay xukuumaddu ku doonayso inay ku cabudhiso Hay’addaasi, maadaama ay ku doonayso Telefishanka oo Xayiran mooyee inaanay Dacwadda galin.


Ururka SOLJA, waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay joojiso Xadhiga Suxufiyiinta ka hor dhagaysiga Eedaha ay u haystaan Suxufiyiinta iyo Hay’addaha warbaahinta sida ku cad Qaraarka ka soo baxay Maxkamaddaha.


SOLJA, waxay soo dhawaynaysaa kunna baaqaysaa Xukuumaddu inay sharciga dhawrto, kanna dhabayso Heshiiskii ay Saxaafadda iyo Xukuumaddu wada gaadheen.


Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA)

Loading...
Loading...