Boqor Buurmadaw Hadalka uu Qaawanaanta Reernimada Ugu Difaacayo Riyo-raac Waa Fariintii Madaxweyne Muuse U Dhiibay oo Daahir Yaa Shamis ah

0
Wednesday November 20, 2019 - 17:52:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqor Buurmadaw Hadalka uu Qaawanaanta Reernimada Ugu Difaacayo Riyo-raac Waa Fariintii Madaxweyne Muuse U Dhiibay oo Daahir Yaa Shamis ah

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Waxaa Wax lala Yaabo ah in Madaxweyne Dhan oo Dalka loo Dhaariyay oo Dadkiisii illaahay Madaxweyne uga Dhigay, in uu Siyaasadii iyo Hogaamintii ka Raadiyo, oo ka Qodqodo Sidii uu ukala Qeybin lahaa umadii uu Xukumayay oo uu Maalin Walba Raali ka noqdo in Qabyaaladii iyo Haybyabtii Talafishanada la iska Weydaarsado.


Waxaan Muran ka joogin, oo qof Waliba garanayaa Sababta iyo dhiirashada iyo ujeedada Hadalkaa Qabyaaladeysan, ee iyadoo Komishan iyo Sharci iyo Xeerar lagu muransan Yahey oo Gari garr Alle tahey Boqor Buurmadaw iyadoo Qaawan kula barbarjoogsadey Sharcidaradii ay hore ugu jujuubayeen Madaxweyne Biixi, Wasiirkiisa Gudaha Maxamed Kaahin iyo Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Gaal, oo ay Si Xaqdaro ah oo Daahir Yaa Shamis ah ugu Heshiiyeen Cadaalad Daraddaa iyo 
Murankaa iyo Kala Qeybintaa umaddii ay Xilalka u hayeen, Waana Dhab in ay Dharaari iman Doonto Xaqdaradaa ay.ku Heshiiyeen ay ku Coloobi Doonaan.

Waxaa nasiib Darro ah oo aan Mar Labaad iyo Mar Sadexaad ku Celinayaa in aaney horena inoo soo Marin Illaahayna aynu ka baryeynaa inaaney dib inoo soo Marin Taa aynu Maanta arkeyno ee ah inmay Umaddii iyo Shacabkii Reer Somaliland dadkii Jaaniska u helay taladdu ku kala Qeybinayaan Si badheedh ah ama Boqor Buurmadaw hadal.Qabyaaladeed ha u Dhiibaan ama Dad kale ha u adeegsadaane Illaahbaan idinku dhaariyee Dadweynaw 'Ninka Maanta Qabyaalad loogu Baaney, Sidee buu umadda Dhex ugu Noqon karraa Waar Ninka Laabta loo Tumey Komishan ma Noqon Karraa Ma Noqon Karro anigu Waxaan aaminsanahey Ninka Dadkii uu Xukumayay Kala Qeybinaya ee Qabyaalad iyo Magacyo ukala Bixinayaa Waa Nin Cuqdadeysan oo aan Calool.Fayoobayn Waa Nin Boqol Dagaal.soo Galey, oo isaga aan Meelina u Fayoobayn la Geeyay Madaxtooyadii.

Gabagabadii Waxaan hadalkayga Kusoo gunaanadayaa Dad badan oo Shacabka Masaakiinta ah ee Reer Somaliland oo aan Xogogaal aheyn ayaa laga yaabaa in ay Hadhaw yidhaahdaan Buurmadaw iyo Madaxweyne Biixi Goormey isu Yimaadeen Habeen iyo Maalin Wey Wada joogaan oo ay kala Warqaataan ilaa Mudo dhaweyd Hadalkaa Boqpr Buurmadaw ee uu Ku taageerayo Ninkan Lagu Muransan Yahey Waxaa u Dhiibay Madaxweynaha umadii uu Xukumayay ee illaahay talada ugu Dhiibay ayuu.ku kala Qeybinayaa Nabsigaa Goormaa la arki Doonaa.

Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
0634466339
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...