Xukuumadda Somaliland Oo Weerar Qoraal Ah Ku Qaaday Telefishanka HCTV.

0
Wednesday November 20, 2019 - 17:07:28 in News by
  • Visits: 2060
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland Oo Weerar Qoraal Ah Ku Qaaday Telefishanka HCTV.

    Xukuumadda Somaliland Oo Weerar Qoraal Ah Ku Qaaday Telefishanka HCTV

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland Oo Weerar Qoraal Ah Ku Qaaday Telefishanka HCTV

Hargeysa(HWN):- War ka soo baxay maanta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland oo ay werisayWakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa lagu sheegay in loo xidhay Isniintii Telefishanka HCTV, kadib markii uu baahiyey Warar aan run aheyn, isla markaana ay ku xadgudbeen Xeerka Saxaafadda Somaliland ee Xeer No. 27/2004.


 

Warka ay soo saartay Wasaaradda Warfaafintu, waxaa lagu iftiimiyey in HCTV uu faafiyey warar aan xaqiiqo aheyn oo dhinac ka raran, oo ka hor imanaya Xeerka SaxaafaddaSomaliland ee XEER No. 27/2004 iyo heshiiskii is-fahamka ahaa ay dhawaan wadajir u kala saxeexdeen Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta oo ka Wakiil ah Xukuumadda JSL iyo Telefishannada madaxa-bannaan ee dalka oo isku raacay in warbaahinta ay dheelitiraan wararka ay ka baahinayaan dalka, lagana waantoobo faafinta wararka aan jirin.



Waxa kaloo, Masuuliyiinta Warfaafintu ay caddeeyeen in HCTV ku xadgudbay Qodobbada 13-aad iyo 19-aad ee Xeerka Saxaafadda oo ka hadlaya Raadinta Xaqiiqda wararka iyo dheelitirkooda.


 

Sidaas darteed, Wasaaradda Warfaafintu waxa ay uxaqiijisay Wakaaladda Wararka ee SOLNA,in aanay jirin sababo kale oo loo xidhay Tifaftiraha iyo Xarunta dhexe ee Telefishanka HCTV, hase ahaatee loo xidhay markii ay u hoggaansami waayeen xeerkii Saxaafadda iyo is-afgaradkii ay wax ka saxeexeen.

 

Wakaalada wararka Solna


Hadhwanaagnews 

Hargeysa 

Loading...
Loading...