Madaxweynaha Somaliland Oo Tabobar U Furay Dufcaddii Ugu Horraysay Ee Loo Carbinayo Saraakiil Ciidan+Sawiro

0
Wednesday November 20, 2019 - 14:18:11 in News by
  • Visits: 3630
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Tabobar U Furay Dufcaddii Ugu Horraysay Ee Loo Carbinayo Saraakiil Ciidan+Sawiro

    Madaxweynaha Somaliland Oo Tabobar U Furay Dufcaddii Ugu Horraysay Ee Loo Carbinayo Saraakiil Ciidan+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Oo Tabobar U Furay Dufcaddii Ugu Horraysay Ee Loo Carbinayo Saraakiil Ciidan+Sawiro

 

Hargaysa(HWN):-Munaasibadda lagu furayo tabobarkan oo ka dhacday kulliyadda tabobarka saraakiisha

 ee Cabdilaahi Askar, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay taliyayaasha kala duwan ee ciidamada Booliska, Militeriga, Badda iyo Asluubta, wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, waxana laga jeediyey

hadallo lagu dhiirrigelinayo saraakiisha da’da yaryar ee la filayo inay halkaas kasoo aflaxaan oo qaybo ka

mid ahi yihiin ardaydii dhawaan ka baxday Barnaamujka shaqo qaran ee dhinaca ciidamada u baydhay.

Qaar kamid ah saraakiisha dhinaca Tabobarrada u qaabilsan ciidamada qaranka iyo saraakiisha madaxda ka ah kulliyada tabobarka oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dedaalka ay

hoggaan ahaan u galeen in dalka laga hirgeliyo mashruuc lagu carbinayo da’yarta jaamacadaha kasoo baxday

ee loo carbinayo sarkaalnimada, waxana ay shaaciyeen inay diyaariyeen dhammaanba qaybihii

kala duwanaa ee waxbarashada

ee dhallinyaradaasi u baahan yihiin iyo macallimiintii laylin lahayd saraakiishaas da’ da yar.

Taliyaha ciidamada militeriga Jamhuuriyadda Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ugu

horrayn madaxweynaha uga mahadnaqay fikirka uu curintiisa leeyahay ee lagu carbiyey dhallinyaradii

Barnaamujka Shaqo qaran ee qaybo kamid ahi haatan ku jiraan saraakiisha la laylinayo, waxana uu

dhallinyarada kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan tabobarka ay nasiibka u heleen, una dhabar adaygaan

sidii ay u dhammaysan lahaayeen.

 

Taliyuhu waxa uu nasiib iyo hoodo gaar ah ku tilmaamay in saraakiisha cusubi dalkooda dhexdiisa ku helaan

dhammaanba qaybihii kala duwanaa ee waxbarashada, sida dugsigii Hoose, kii dhexe, kii sare, Jaamacaddii

iyo kulliyaddii tababarka saraakiishaba.

 

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, ayaa isaguna

dhankiisa guul qaranku gaadhay ku tilmaamay in dhallinyaro aqoon leh oo jaamiciyiin ahi kusoo biireen

ciidamada kala duwan ee qaranka, islamarkaana dalkooda gudihiisa loogu carbinayo Sarkaalnimo.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhallinyarada cusub ee loo

carbinayo saraakiisha u jeediyey khudbad dheer oo la xidhiidha hawlaha sugaya, muhiimadda iyo karaamada

ku jirta inuu qofku kamid noqdo ciidamada kala duwan ee qaranka.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey in saraakiisha cusub ee loo carbinayo saraakiishu ay

haystaan jidkii qaranka lagu ilaalin lahaa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya

uu yidhi, "Waxaad bilaabaysaan jidka ah aniga naftaydu waa inay ilaalisaa qaranka iyo danihiisa oo ay khatar walba u badheedhaa qof aan taas yeelinina garaaddona ma qaato askarina ma noqdo oo waa is yeel yeel uun.” 

Dhinaca kale, waxa uu madaxweynuhu kormeer ku sameeyey goobaha hurdada, cuntada iyo waxbarashada ee loo diyaariyey saraakiisha dhallinyarada ah ee loo carbinayo saraakiisha iyo xarun loo dhisay dhallinyarada shaqo qaran oo aaggaas ku taalla. Wa bilaahi Tawfiiq



Image may contain: 6 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 5 people, people standingImage may contain: 5 people, people smilingImage may contain: 1 person, standing and outdoorImage may contain: 1 person, standing and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, child and outdoorImage may contain: 7 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 7 peopleImage may contain: 8 peopleImage may contain: 12 people, people sittingImage may contain: 6 people, people sittingImage may contain: 6 people, people sittingImage may contain: 11 people, people sittingImage may contain: 6 people, people sittingImage may contain: 1 personImage may contain: 13 people, people sittingImage may contain: 11 people, people sittingImage may contain: 8 people, people smiling, people sittingImage may contain: 11 people, people smiling, people sitting and outdoorImage may contain: one or more people, people sitting and crowdImage may contain: 6 people, people standing and outdoorImage may contain: 6 people, people standing, tree, sky and outdoorImage may contain: 1 person, shoes and outdoorImage may contain: 2 people, people standing, tree, wedding, sky, child and outdoorImage may contain: 2 people, people standing, tree, wedding, sky, child and outdoorImage may contain: 5 people, people standing and outdoorImage may contain: 4 people, people smiling, people standing, people walking and outdoorImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: 1 person, standing, shoes, tree, sky, wedding and outdoorImage may contain: 1 person, standing and outdoorImage may contain: 4 people, people standingImage may contain: 11 people, people standingImage may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 9 people, people sittingImage may contain: 9 people, people smiling, people sittingImage may contain: 10 people, people sittingImage may contain: 6 peopleImage may contain: 1 personImage may contain: 8 people, people sittingImage may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 8 people, people sitting
 

 
 
 

HadhwanaagNews.com
Hargaysa/Office
Loading...
Loading...