"Waxaanu Rajaynaynaa In Arimahan Taagani Khayr Iyo Is Afgarad Inoogu Dhammaadaan"

0
Wednesday November 20, 2019 - 11:26:40 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaanu Rajaynaynaa In Arimahan Taagani Khayr Iyo Is Afgarad Inoogu Dhammaadaan"

    "Waxaanu Rajaynaynaa In Arimahan Taagani Khayr Iyo Is Afgarad Inoogu Dhammaadaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaanu Rajaynaynaa In Arimahan Taagani Khayr Iyo Is Afgarad Inoogu Dhammaadaan"

Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, oo ka mid ah Ergada 

dhexdhexaadinta ka dhex wada Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka, ayaa rajo wanaagsan ka 

muujiyay dedaalada isu soo

dhawaynta ah ee ay wadaan inay ku dhammadaan is afgarad.



rajo ku qabo in arrimaha dalka ka taagtaagani ku dhammaadaan is afgarad buuxa, "Dabcan maanta (shalay),

 anigu maan

joogin,laakiin waxaanu leenahay Afhayeen, waxaana noo Afhayeen ah Faysal Cali Waraabe, oo runtii isaga 

ayaa noo hadlay, halkay

wax noo marayaana ka hadlay, ILLAAHAY xaqa iyo khayrka mar walba ha ina waafajiyo, waxaanu rajaynaynaa 

in arimahan taagani

khayr iyo is afgarad inoogu dhammaadan.”


Geesta kale Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu yidhi " Qadiyadan Komishanka

 ka taagan arin

khusaysa maaha labada xisbi ee mucaaradka ah waa arin qaran oo u baahan in qaranka oo dhami uu arko oo 

daafaco sharciga,

sharciga ayaanu daafacaynaa, waa tii sida fiican ay inoogu socotay waatii shaydaanku inaga soo dhex galay 

shalay, shaydaanka

ayaynu naaraynaa,cumaamadii odaynimadaan qaatay oo tii xisbinimada halkan ayaan yara dhigtay, wasirka 

daakhiliga waanu u


tagnay aniga iyo odayaasha madaxweynayaashii hore iyo qolada ka socota Akadamiyada, ururadii bulshaduna

 waa ay nagu


jiraan, waxaanu doonaynaa inana qolada Waddanina aanu ka raaridno inay joojiyaan isku soo baxa oo 


sharcigu uu siinaayo,


dawladuna ay soo dayso cidii la xidhay ee xisbiga ahaa, markaas Waddani waanu ka helnay tobankii saaka 

[shalay] ayaanu la

balanay ( doraad) madashiina waa ay noo yimaadeen hadana wasiirka arimaha gudaha ayaanu ku soconaa 

insha allaah waa uu


naga ogolaan doonaa, ergada madaxweynaana jin iyo jaanba waanu isugu tagaynaa.”



Xigasho geeska

 

Loading...
Loading...