Saabuun Sababtay In Dib Loo Celiyo Diyaarad Hawada Ku Jirtay

0
Wednesday November 20, 2019 - 08:05:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2046
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saabuun Sababtay In Dib Loo Celiyo Diyaarad Hawada Ku Jirtay

    Dukumiintiyada ay aragtay BBC-da ayaa shaki gelinaya sheegashada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dukumiintiyada ay aragtay BBC-da ayaa shaki gelinaya sheegashada
shirkadda American Airlines ee ah "ur" laga dareemay diyarad taasi oo sababtay in laba ka mid ah shaqaalaha diyaaradda ay miyir daboolbaan, waxaana loo aaneeyey waxyaabaha naadafadda loo adgeesado oo ku daatay gudaha diyaaradda.



Dhacdadaan ayaa waxay sababtay in dib loo celiyo diyaaradda oo ka soo duushay eelaboorka Heathrow kuna sii jeedday Philadelphia si shaqaalahaasi miyir daboolmay cisbitaal loo geeyo. Dukumiintiyada ayaa waxay muujinayeen in qeyb ka mid ah diyaaradda ay saliid daadinaysay.


Ilo wareedyada BBC-da ayaa sheegay inay u badan tahay in qiiqa sumeeysan oo sabab u ahaa daadashada salidda diyaaradda uu galay qeybta ay ku jireen shaqaalaha Miyir daboolmay. Balse shakigaasi waxaa gaashaanka u daruuray shirkadda American Airlines.


Warbixin gudaha ah oo shirkadda soo saartay ayaa muujinaysa in saabuun ama oomo ku jirtay dhalo ay sababtay in laba ka mid ah shaqaalaha diyaaradda iyo hal qof oo rakaab ah isbitaal la geeyo.

Mid ka mid ah shaqaalaha ka hawl gala shirkadda American Airlines oo aan fasax loo siin inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay inay tahay wax aan la aqbali karin in saabuun ku jirtay weel amaba waxyaabaha kale ee nadaafadda loo isticmaalo ay sababtay in laba qof ay miyir daboolmaan.


Ilaa haatan shirakadda American Airlines jawaab kama aysan bixin su'aasha BBC-da ee ku saabsan dhacdadaan.


Laakiinse BBC-da ayaa waxay aragtay caddeyno muujinaya inuu shaki ku jiro warbixinta shirkadda diyaaradaha ee American Airlines.


Markii ugu horreysay waxaa noola sheegay in urta biraha laga dareemayay gudaha diyaaradda ka hor inta aysan daadin saabuunta ama oomada qasan oo diyaaradda lagu nadiifinayay.


Waxaana urtaasi la dareemayay markii ay diyaaradda ka soo duuleysay Philadelphia oo ay u soo wajahnayd Heathrow.


''Sidoo kale waxaan ogaanay in qeyb ka mid diyaaradda ay saliid daadinaysay maalmo ka hor inta aysan dhacadan dhicin taasi oo ay suurogal tahay in arrintani ay sababtay


Labadii qof ee ay waxyeelada soo gaartay ayay shirkadda u diidday inay BBC-da la hadlaan.

Laakinse waxaanu ogaanay in mid ka mid ah labadaasi qof uu ku dhacay madax xanuunka migraines oo uu haatan madax xanuun joogta ah la soo darsay.

 

BBC

Loading...
Loading...