Qarmada Midoobay Oo Walaac Ka Muujisay Dhibaatada ka Tagan Wadanka Iran

0
Wednesday November 20, 2019 - 00:32:54 in News by
  • Visits: 1580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarmada Midoobay Oo Walaac Ka Muujisay Dhibaatada ka Tagan Wadanka Iran

    Qarmada Midoobay Oo Walaac Ka Muujisay Dhibaatada ka Tagan Wadanka Iran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarmada Midoobay Oo Walaac Ka Muujisay Dhibaatada ka Tagan Wadanka Iran

Tiro dad ah ayaa lagu laayey Iran tan iyo jimcihii kolkaas oo lagu guda jirey mudaharaadada ka soo hordjeeday kor u kaca qiimaha shidaaalka, xafiiska qaramada midoobay ee xuquuqda aadamaha ayaa sidaasi sheegay.

Afhayeen u hadlay xafiiskaasi wuxuu shaqaalaha amniga ku booriyay inaysan isticmaalin awood xad dhaaf ah, oo ay kujirto rasaas nool, wuxuuna ku baaqay in baraha internet-ka dib loo soo celiyo.

Amnesty International ayaa iyana dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 106 qof ay dhinteen, laakiin ilo wareedyo kale waxay sheegayaan tiradu inay intaasi ka badan tahay.

Dowlada Iiraan ayaa ku dhalleeceeysay dadka waddooyinka maraya inay yihiin qas abuurayaal

Dibedbaxyada ayaa bilowday Jimcihii ka dib markii dowladda ay ku dhawaaqday in sare loo qaadayo qiimaha shidaalka boqolkiiba 50 litarkiiba.

Qaramada Midoobay ayaa sheegeysaa in warbixinada ay ka helayaan Iran ay muujinayaan inay suuragal tahay in tobaanaan qof la dilay intii ay bilowdeen dibadbaxayadan Cirka isku sii shareeryay.

Afhayeenka hay'adda qaramada midoobay u qaabilsan xuquul insanka Rupert Colville oo ku sugan magaalada Geneva ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ammaanka ay rasaas nool nool u adeegsadeen dibedbaxaasha.

Madaxweyne Xassan Rouhani ayaa sheegay in tallaabadan ay dowladda ku eegeeyso danaha dadweynaha oo lacagtaasi lagu daray shidaalka la qeeybin doono muwaadiniinta dan yarta ah ee reer Iran.

Haseyeeshee go'aankaasi ayaa waxaa uu sababay caro ku baahday dalkaasi Iran oo markii horeba la daalaa dhacayay dhaqaalo xumi ay sabababeen cunaqabateenada uu dib ugu soo rogay Mareykanka sannadkii hore ka dib markii madaxweyne Trump oo uu ka baxay heshiiskii niyukleerka Iran ee 2015-kii.

Cunaqabteenada Mareykanka uu iran dib ugu soo rogay ayaa waxay sababeen inuu hoos u dhac ku yimaado saldhigii ay Iran u dhoofin jirtay dunida daafeheeda.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fars Mudaaharaadyada ayaa Axaddii ku baahay ilaa 100 magaalo waxaana ugu yaraan dab la qabadsiiyay 100 bangi iyo 57 dukaan sidoo kale ilaa 1000 qof ayaa waxaa loo taxaabay xabsiga. 




Source BBC Somali

Loading...
Loading...