Raysal Wasaare Khayre Oo Caawa Muqdisho Ku Soo Laabtay Kana Hadlay Socdaalkiisii Faransiiska+Sawiro

0
Tuesday November 19, 2019 - 23:34:23 in News by
  • Visits: 1454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaare Khayre Oo Caawa Muqdisho Ku Soo Laabtay Kana Hadlay Socdaalkiisii Faransiiska+Sawiro

    Raysal Wasaare Khayre Oo Caawa Muqdisho Ku Soo Laabtay Kana Hadlay Socdaalkiisii Faransiiska+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaare Khayre Oo Caawa Muqdisho Ku Soo Laabtay Kana Hadlay Socdaalkiisii Faransiiska+Sawiro


Muqdisho(HWN):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudaneXasan Cali Khayreoo caawa dib ugu soo laabtay dalka kadib safarradii shaqo ee wadamada Faransiiska, Belgium iyo Qatar, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.



Mudane Xasan Cali Khayre ayaa safarkiisa oo guul kusoo dhamaaday waxuu ka billaawday Faransiiska, waxaana magaalada Paris kusoo dhaweeyaymadaxweynaha Faransiiska.




Ra’iisul Wasaaraha oo ka qayb galay kulanka sanadlaha ah eemadasha nabadda Paris, ayaa dhanka kale booqday safaaradda Soomaaliyeed ee Paris, waxuuna ballan qaaday in dowladdudayactir iyo horumarinku sameyneyso dhismaha safaaradda iyo hoyga safiirka.


Mudane Xasan Cali Khayre ayaa intii uu Paris u joogay ka qayb galka kulanka madasha, waxuu kulamo doceedyo la qaatay, wasiirrada arrimaha dibaddaFaransiiska, The Netherlands,Ruushka iyo Filand, iyo xoghayaha arrimaha dibadda Sweden.


Dhammaan mas’uuliyiinta uu kulamada la qaatay ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay xoojinta xariirka dalalkooda kala dhexeeya Soomaaliya, arrimaha deyn cafinta iyo horumarka laga gaaray dib-u-habeynta dowladdu ay dalka ka waddo.






Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Paris kula kulmay madaxweynaha bangiga horumarinta Islaamka, Dr. Bandar Hajjar iyoxoghayaha guud ee wariyaasha aan xuduudda laheyn.


Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Faransiiska uga sii safray Belgium waxuuna magaalada Brussels kulamo kula qaatayguddoomiyaha guddigamidawga Yurub ee Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah iyomadaxweyne ku-xigeenka midawga Yuruboo ay ka wada hadleen xariirka xooggan ee ka dhexeeya midawga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda.


Mudane Xasan Cali Khayre oo safarkiisa oo qaatay 10 maalin kusoo gebagebeeyay Qatar, ayaa amiirka Qatar, Amiir Tamim bin Hamad Al Than, Dooxa kula qaataykulan looga hadlayxoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.


—DHAMMAAD—-

Loading...
Loading...