Faysal Cali Waraabe Iyo Cabdiraxmaan Cirro Oo Kulan Yeeshay

0
Tuesday November 19, 2019 - 23:02:24 in News by
  • Visits: 4586
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe Iyo Cabdiraxmaan Cirro Oo Kulan Yeeshay

    Faysal Cali Waraabe Iyo Cabdiraxmaan Cirro Oo Kulan Yeeshay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysal Cali Waraabe Iyo Cabdiraxmaan Cirro Oo Kulan Yeeshay


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan xisbigiisa ayaa kulan la qaatay dhigiisa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo masuuliyiinta kale oo ka tirsan hogaanka xisbiga Waddani.

Cirro Iyo Faysal Oo Kulan Yeeshay


Inkasta oo aanu jirin war rasmi ah oo labada xisbi ka soo saareen kulankooda, balse warar xogogaal ah ayaa xaqiijinaya in gudoomiye Faysal iyo Cirro ay ka wada hadleen khilaafka ka dhashay xubnaha Muuse Biixi ku daray guddida cusub ee doorashooyinka.


Sidoo kale kulankan ayaa diirada lagu saaray mudaharaadyada joogtada ah ee xisbiga Waddani kaga dhawaaqay in gobolada dalka oo dhan laga bilaabo, iyada oo Gudoomiye Faysal uu codsaday in xisbiga Waddani uu hakiyo mudaharaadadaasi.


Dhinaca kale gudoomiye Cirro iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani waxay kulan la yeesheen guddi isxilqaantay oo dhexdhexaadin u bilawday xisbiga Waddaniiyo xukuumada Muuse Biixi ee isku khilaafay guddida cusub ee doorashooyinka.


Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa wada xaajoodyadaas ka dib hakiyey mudaharaadadii ka dhici lahaa gobolada somaliland, iyada oo uu aqbalay codsi uga yimida dhinacyada dhexdhexaadinta wada.


Hadhwanaagnews.com

Loading...
Loading...