Guddi Isxilqaantay Oo Dhex Dhexaadin U Bilaabay Xisbiga Waddani Iyo Xukuumada Muuse Biixi
Hargeysa(HWN):-Guddi isxilqaantay oo ka kooban siyaasiyiin miisaan ku leh dalka ayaa isku xil saaray dajiyaan xaalada siyaasadeed ee ka dhex taagan Muuse Biixi iyo xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.
Sida ay sheegayaan wararku,aaa ergadan oo ay ka mid yihiin madaxweyne ku xigeenadii hore ee Axmed Yuusuf Yaasiin, Cabdiraxmaan Aw Calia Faarax iyo siyaasi Aadan Muuse Jibriil.
Kulan ay ergadani la qaateen wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa lagaga hadlay xiisada siyaasadeed ee ka dhextaagan xisbiga Waddani iyo xukuumada iyada oo wasiir Maxamed Kaahin uu ka dalbaday ergada inay xisbiga Waddani ku qanciyaan inuu joojiyo mudaharaadada uu kaga dhawaaqay guud ahaan dalka.
Sidoo kale ergadan ayaa kulan kale la qaadatay masuuliyiinta ugu saraysa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, waxaanay wararku xaqiijiyeen in xisbiga Waddani uu codsaday in la sii daayo dhamaan masuuliyiinta iyo dadka kale ee shacabka ah ee xukuumadu ka buuxisay xabsiyada dalka.
Ergadan isxilqaantay ayaa labada dhinac ka codsatay inay furaan wada hadal ay kaga arinsanayaan khilaafka u dhaxeeya.