Madaxweyne Muuse Wixii uu doonayo waa Sharci.Wiixii aanu dooneyna waasharci daro

0
Tuesday November 19, 2019 - 20:54:34 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Wixii uu doonayo waa Sharci.Wiixii aanu dooneyna waasharci daro

    Madaxweyne Muuse Wixii uu doonayo waa Sharci.Wiixii aanu dooneyna waasharci daro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Wixii uu doonayo waa Sharci.Wiixii aanu dooneyna waasharci daro


Dhamaan waxaan salaamayaa bulshadda soomaaliland iyo warbaahinta qaybaheeda kala duwan. Waxaa

 halkan ku soo gudbinayaa makhaal ku saabsan habdhaqanka Madaxweynaha Soomalilnad waa Muuse 

biixi. Tan iyo mudadii uu hogaanka hayey oo ah muddo laba sannadood ah waxaa gabi ahaanba hoos u 

dhacey maqaamkii ay taagneyd somaliland ,dhinackasta oo laga eego ,siyaasad mid gudo iyo mid 

dabadeedba .xaga dhaqaalaha ,waxbarashada. caafimaadka iyo sidii uu bulshada isgu xidhilahaa-



Waxaan la soconaa ismari waaga ka dhex aloosan Muuse iyo labada xisbi qaran ee Wadani iyo Ucid. Muuse 

isagaa mucaarad isugu filan oo dalku sadex xisbi oo mucaarad ma qaadi karo.markaa labadii xisibi ee kale 

ayaa muxaafad noqaday oo dawladii iyo xisbigeedii ayaa mucaarad noqday sababtoo markasta wuxuu ku jiraa

 xaalad abuur iyo jiq ku sii .markasta talaanbadu uu qaado waxay keenaysaa kala fogaansho isga iyo 

xisbiyadda. waxaynu ogeyn ismari waagii gudigii doorasho xilkoodi dhamaadka yahay .xaaladan kale ee 

iminka aloosan xubnahan iminka laysu haysto: Muuse isaga oo isku halaynaya tirad u joogta golaha 

wakiiladda ayuu marsiinayaa wixii uu doono ,isla markaana ay iska baalmarayaan sharci dalka u yaala ee 97 u 

codeeyeen haa.Korneyl Muuse wixii uu doono waa sharci wxii uu diinayahayna waa sharci daro xitaa haddii ay

 sharci tahay- Talo waxaa ku soo jeedinayaa in Madaxweynaha iyo golaha wasiiradiisu waa inay sharciga ku 

soo noqdaan Madaxweynuhu haddii uu sharciga gacanta ku qaato maxaa laga filayaa qofka caadiga haddii 

uu sidan dalka ku sii wado waxaa dhici doonta inay 5 sanndood ay kaga dhamaato dalkii oo aan wax 

doorasho ah ka dhicin mid baaralmaan iyo gole deegaan tooda-

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...