"Xayndaabka Miyir-Qabka Hadday Xukuumaddu Ku Soo Noqon Weydo, Fili Maayo Jidkan Qodaxda Leh Ee Ay Qaaday Inay Dadka Ku Sii Dhiqi Karayso…. Abwaan Weedhsame

0
Tuesday November 19, 2019 - 18:00:41 in News by
  • Visits: 5307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xayndaabka Miyir-Qabka Hadday Xukuumaddu Ku Soo Noqon Weydo, Fili Maayo Jidkan Qodaxda Leh Ee Ay Qaaday Inay Dadka Ku Sii Dhiqi Karayso…. Abwaan Weedhsame

    "Xayndaabka Miyir-Qabka Hadday Xukuumaddu Ku Soo Noqon Weydo, Fili Maayo Jidkan Qodaxda Leh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xayndaabka Miyir-Qabka Hadday Xukuumaddu Ku Soo Noqon Weydo, Fili Maayo Jidkan Qodaxda Leh

Hargeysa(HWN):- abwaan xasan daahir ismaaciil weedhsame oo ka mid ah abwaanad dhaqanka Somaliland ayaa qoraal uu bartisa facebook soo dhigay kaga hadlay nimaadka maanta xukuumada madaxweyne biixi u wado dalka , muraanka ka dhex aloonsan xisbiga waddani iyo xukuumada madaxweyne 


Dawladnimadu maaha cudud kolba cidda madaxda ahi ku meel marsato waxa ay rabto, mana aha ul lala dhaco kolba cidda loo arko inay qabto aragti ka soo horjeedda danaha siyaasiga ah ee uu hoggaanku ku sed-bursanayo. Dawladnimadu Waa talo-wadaag iyo wada-noolaansho ku salaysan xeerar iyo qawaaniin loo siman yahay oo qof kasta oo muwaadina xaqiisa siisa, isla markaana ka xakamaysa inu ku xad-gudbo dadka kale ee uu la nool yahay. Dawladnimadu waa dallad muwaadiniintu wada hadhsadaan iyo gabbood kaga gaashaaman cadaawe dibada kaga yimaada.



 

Nin kasta oo madax ah cidda awoodda siisaa waa shacabka. Ujeedka awoodda loo siiyeyna maaha inu ku fushado danihiisa gaarka ah iyo danihiisa gurracan ee siyaasiga ah, balse waa inu ku ilaaliyo dadka dantooda, diintooda iyo dalkooda. 

Waxa loo siiyey awoodda inu kaga shaqeeyo wada-jirka, walaalnimada, is-weheshiga iyo is waaceensiga ummadda caleemo-saaratay. Awoodaha shacabku ku siiyo waa lagu mideeyaa ee laguma kala qaybiyo, waa loogu shaqeeyaa ee lagagama shaqaysto, dadka ayaana lagu ilaaliyaa ee iyaga la isagama ilaaliyo.


 

Madaxnimadu maaha dantaada gaarka ah oo loo xusul-duubo, balse waa in loo halgamo taabo-gelinta danta-guud. Madaxnimadu waa ka fikirka waxa ummadaada wanaajinaya, balse maaha helitaanka waxa iyagana weydda ka dhigaya adigana waafiga kaa dhigaya ee wadiifadda aad ku taabayso.


 

cago-juglaynta, cabudhinta, cadaadinta iyo cabsi gelinta xilka laguma haysan karo, buuqa iyo kicinta dadkana xilka laguma heli karo, haddii lagu helana laguma hanan karo. Qof kasta oo madax ahina wuxu sharaf beelaa markuu isagu sharciga ka tallaabsado, shacabkana dhegaysan waayo ee uu shafka garaaco.


 

Maantana xayndaabka miyir-qabka hadday xukuumaddu ku soo noqon weydo, fili maayo jidkan qodaxda leh ee ay qaaday inay dadka ku sii dhiqi karayso.

 

Xisbiyada mucaaridka ahna waxan ku baraarujinayaa inay kaalin waayeelnimo ay qaataan oo aanay shacabka dhiillo gelin.

 

اللهم هل بلغت

 

Hadhwanaagnews

Hargeysa

Loading...
Loading...