Waa Nasiib Daro Halkii U Xumayd Iyo Dawladii oo Uu Meesha Ka Baxay Doorkeediina La Baafinaayo + Khatarta Isku Dhac Shacab

0
Sunday March 24, 2019 - 13:06:11 in Articles by
  • Visits: 1455
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Nasiib Daro Halkii U Xumayd Iyo Dawladii oo Uu Meesha Ka Baxay Doorkeediina La Baafinaayo + Khatarta Isku Dhac Shacab

    Waa Nasiib Daro Halkii U Xumayd Iyo Dawladii oo Uu Meesha Ka Baxay Doorkeediina La Baafinaayo + Khatarta Isku Dhac Shacab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Nasiib Daro Halkii U Xumayd Iyo Dawladii oo Uu Meesha Ka Baxay Doorkeediina La Baafinaayo + Khatarta Isku Dhac Shacab


 

Waxa Goor Dhawayd lay sheegay inay Saaka Shir Jaraa'id Ku Qabtay duleedka goobta uu ka socdo GURIGA laga dhex dhisaayo Waddada 150-ka ee Xaafadda Maxamed Mooge oo dad shicib ah ay dawladda hoose ee Hargeysa u Baloodhaysay Rag, ayaa koox iskugu jira SULDAANO IYO MADAX DHAQAMEED kale kuwaas oo hanjabaad diray iyaga oo difaacay cida gurigan sidasharci darada ah uga dhisanaysa Waddadii umaddu wada lahayd ee 150-ka Xaafadda Maxamed Mooge ku taalay.



 

Hadaba iyada oo Mudooyinkii u dambeeyey ay isa soo taraysay qaylo dhaanta dadka Xaafadda ku nool oo ka soo horjeestay dhismaha ka socda wadadad 150-ka ee Xaafadda Maxamed Mooge oo dad shicib ah ay dawladda hoose u baloodhaysay, ayaa maanta ay qarka u saaran tahay inay isku dhacaan dadka lasiiyey iyo dadka Waddada ka soo hor jeestay in la dhisto maadama oo ay dan guud oo umadda ka dhexaysa tahay.


 

Waxase nasiib darada ugu wayni tahay in dawladdii dhexe ilaa maanta aanay dheg u dhigin wax talaabo ahna ka qaadin wasaaraddaha ku dhaqada leh iyo Xukuumadda dhexe ba iyaga oo saxaafadda ka arkaaya qaylo dhaanta ka soo yeedhaysa dadka xaafadda ku nool ee codka dheer ku sheegaya dawladda hoose inay iyadu sifo qaldan wadadaasi dad shicib ah ugu baloodhaysay dhismayaal darar iyo guryo safayn ahina hadh iyo habeen laga dhisaayo waddadaasi dhexdeeda waxaana la sugaaba ay hada tahay in ay isku dhacaan dadka shacabka ee kuwana la siiyey kuwana danta guud difaacayaan khasaare ay masuuliyaddiisa dawladdu eeda ugu wayn yeelan doonta maadama oo ay wax talaabo ah qaadi wayday ay halka ka soo fool leedahay.

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...