Barlamaanka Puntland oo maanta la horgeeyay miisaaniyadda Puntland ee 2020

0
Tuesday November 19, 2019 - 14:28:43 in News by
  • Visits: 1486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barlamaanka Puntland oo maanta la horgeeyay miisaaniyadda Puntland ee 2020

    Barlamaanka Puntland oo maanta la horgeeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barlamaanka Puntland oo maanta la horgeeyay

Hargeysa(HWN):- Barlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta la horeegayay odoroska miisaaniyadda Puntland ee lagu dhaqmidoono 2020, taasoo xalay ay meel mariyeen golaha wasiiradda.

Miisaaniyaddan oo ay ka muuqatay koror xad dhaaf ah, ayaa loo qeybiyay xildhibaanada barlamaanka, si ay usoo aqriyaan, kadibna uga doodaan meel marinteeda.

Wasiirka maaliyadda Puntland, Xasan Shirre Abgaal ayaa barlamaanka ka horjeediyay warbixin ku saabsan miisaaniyad sanadeedka iyo isbedel kororka ah ee ku yimid miisaaniyadda.



Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in mushaarka loo kordhiyay golaha wasiirada, golaha Wakiilada, Hantidhowrka iyo Garsoorka. Waxaa kaloo sheegay in miisaaniyadda loo kordhiyay adeega arrimaha amniga.

Miisaaniyadda kuma cadda in mushaarka loo kordhiyay ciidamada Puntland oo aad uga cabanayay mushaarka oo yar iyo iyagoo mararka qaarkood heli waayaba.

Dhinaca kale, barlamaanka Puntland ayaa maanta meel mariyay wax ka bedelka Xeerka Maalgashiga dowlad goboleedka Puntland iyo wax ka bedelka Xeerka cashuuraha Puntland.

Loading...
Loading...