Madaxweyne farmaajo iyo madaxweynayaashii hore oo kulan dag dag ah isku Arkaaya.
iyadoo shirkan uu yahay mid loogu gogol xaarayo shirka la
filayo in maalinta Arbacada Muqdisho ku yeeshaan Madaxda Madasha Xisbiyada
Qaran iyo Madaxweyne Farmaajo.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa ii xaqiijiyay in shirka caawa
looga hadlayo diyaarinta ajandayaasha shirka Arbacada ay yeelanayaan
Madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo Madaxweyne
Farmaajo.
Wararka ayaa sheegaya in kulanka uu si gaar ah ugu dhaxeeyo
xubno kala matalaya Madasha oo uu hoggaaminayo Xildhibaan Axmed Fiqi oo ah
Xoghayaha Guud ee Madasha Xisbiyada Qaran iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo
ahaa ninka markii hore bilaabay wada hadalada, loona arkayo inuu yahay maskaxda
ka dambeysa wada hadaladan oo ah ergey buuxa oo ka socda Madaxweyne Farmaajo.
Labada dhinac ayaa u muuqda kuwo abuuraya jawi xasilloon oo
sababi kara isu soo dhowaansho, is faham laga gaaro dhinaca doorashooyinka iyo
dejinta xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay xayiraadii todobaadkii hore la
saaray Madaxda Madasha.
Isu soo dhowaanshaha dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa
ka dambeeyay kaddib markii Habeenkii jimcaha uu kulan dhex maray Taliyaha
Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin oo hoygiisa ugu tagay Madaxweynihii hore
Sheekh Shariif, waxaana Fahad uu ergo ka ahaa Madaxweyne Farmaajo, isla
markaana ka waday codsi ah inay kulmaan Madaxweyne Farmaajo iyo
Madaxweynayaashii hore, si looga hadlo xaaladaha siyaasadeed ee dalka.
Dhinaca kale Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran oo maalintii Sabtidii u ambabaxay magaalada Kampala, isagoo kaga sii gudbay magaalada Nairobi, waxaana la filayaa inuu maalinta berri ka soo tago oo uu dib ugu soo laabto Muqdisho, Sheekh Shariif ayaa u tagay Kampala arrimo qoys ah, halka Nairobi ku lahaa balamo gaar ah, sida kulamo uu la qaadanayo siyaasiyiin iyo diblomaasiyiin.