Ururka Jaamacada Carabta Oo Ka Hadlay Heshiis Dhexmaray Soomaaliya Iyo Kenya

0
Tuesday November 19, 2019 - 01:56:11 in News by
  • Visits: 1422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Jaamacada Carabta Oo Ka Hadlay Heshiis Dhexmaray Soomaaliya Iyo Kenya

    Ururka Jaamacada Carabta Oo Ka Hadlay Heshiis Dhexmaray Soomaaliya Iyo Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Jaamacada Carabta Oo Ka Hadlay Heshiis Dhexmaray Soomaaliya Iyo Kenya


Madaxweynayaasha dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo dhawaan kulamo ku yeeshay magaalada Nairobi ayaa ku heshiiyay in dib loo soo celiyo xidhiidhkii a labada dal sidoo kalana ay dawlada Kenya qaado cadaadisyo badan ay soo kordhisay markii labada dal uu khilaaf culusi soo kala dhexgalay.



Ururka Jaamacada Carabta oo Soomaaliya xubin ka tahay ayaa soo dhaweeyay Heshiiska ay wada Gaadheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Image result for farmaajo iyo uhuru

Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacada Carabta ayaana soo dhaweeyay heshiiskan kuna tilmaamay mid loo baahnaa, waxa uuna bogaadiyay labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya oo heshiiskan wada gaadhay.


" Xoghaynta Ururka ayaa amaaney doorka hogaamineed ee ay ka ciyaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru sidii loo gaadhi lahaa heshiiskan iyo talaabooyinka labada dhinac ay ka fulinayaan labada dal ee deriska ah.” ayaa lagu yidhi qoraal lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Jaamacada Carabta.


Heshiiska ay Nairobi ku gaadheen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya waxaa horey usoo dhaweeyay Beesha Caalamka gaar ahaan wadamada sida weyn u daneeya arimaha Soomaaliya.

Loading...
Loading...