Baafin:-Wasiirkii Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Halkuu Ku Dambeeyey.

0
Tuesday November 19, 2019 - 00:33:07 in News by
  • Visits: 4154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baafin:-Wasiirkii Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Halkuu Ku Dambeeyey.

    Baafin:-Wasiirkii Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Halkuu Ku Dambeeyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baafin:-Wasiirkii Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Halkuu Ku Dambeeyey.

 


Hargeysa(HWN):-Wakhti somaliland wajahayso xaaladii ugu xumayd oo ay dalka ka abuurtay hogaan xumada Muuse Biixi ayaan laga war hayn halka uu ku dambeeyey wasiirkii arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed.


Wasiir Maxamed Kaahin ayaa muuqiisa aan la hayn ilaa hada iyada oo caasimadii Hargeysa ay maanta gilgileen mudaharaado ay iskugu soo baxeen taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani isla markaana gudoomiye Cirro ku dhawaaqay in bari ay taageerayaashiisu iskugu soo bixi doonaan gobolada dalka oo dhan.

Image may contain: one or more people, people standing and suit


Wasiir Maxamed Kaahin ayaan ilaa hada ka hadal xaalada dalku galay, isaga oo u muuqda inuu ka muquurtay khilaafkan uu dalka u horseeday saaxiibkii Muuse Biixi.


Wasiir Maxamed Kaahin ayaa lays waydiinayaa kaalinta uu kaga jiro hawl galada qalafsan ee ay ciidamada booliska oo ka amar qaadanaya Muuse Biixi kula kacayaan shacabka, masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani iyo dadka shacabka ah.


Si kastaba ha ahaatee wasiir Maxamed kaahin ayey bulshadu su,aalo iska waydiinaysaa doorka uu ku leeyahay xukuumada, halka dadka qaar ku doodayaan in sida taliyaha ciidanka booliska oo kale si dadban loogala wareegay masuuliyadii uu ka hayey dawlada Muuse Biixi.

Loading...
Loading...