Cabdiraxmaan Abees Oo Reer Samatar Ahna Waan Xidhay, Barkhad Oo Gabooye Ahna Waan Xidhi Kari La Ahay"..Muuse Biixi Oo Wakhti Hore Qorshaynayey Xadhiga Barkhad

0
Monday November 18, 2019 - 23:21:56 in News by
  • Visits: 6095
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiraxmaan Abees Oo Reer Samatar Ahna Waan Xidhay, Barkhad Oo Gabooye Ahna Waan Xidhi Kari La Ahay"..Muuse Biixi Oo Wakhti Hore Qorshaynayey Xadhiga Barkhad

    Cabdiraxmaan Abees Oo Reer Samatar Ahna Waan Xidhay, Barkhad Oo Gabooye Ahna Waan Xidhi Kari La Ahay"..Muuse Biixi Oo Wakhti Hore Qorshaynayey Xadhiga Afhayenka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdiraxmaan Abees Oo Reer Samatar Ahna Waan Xidhay, Barkhad Oo Gabooye Ahna Waan Xidhi Kari La Ahay"..Muuse Biixi Oo Wakhti Hore Qorshaynayey Xadhiga Afhayenka


Hargeysa(HWN):-Muuse Biixi hogaamiyaha somaliland ee wakhtigan ayaa wakhti hore ku goodiyey inuu maruun xabsiga dhigi doono gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun oo hada ku xidhan Mandheera.


Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo ka mid ah hal abuurada da’da yar ee somaliland ayaa soo bandhigay sida uu Muuse Biixi u jeclaa inuu maruun xidho afhayeen Barkhad wakhti uu ku qaabilay magaalada Boorama ka dib markii uu xoriyadiisa ay siisay ka dib mudo uu ku xidhnaa magaalada Hargeysa.

Image result for muuse biixi iyo cabdiraxmaan abees


Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaa fariin uu soo dhigay barta Facebook waxa uu ku soo bandhigay dareenkii Muuse Biixi ku qaabilay ka dib markii ay dawladu xoriyadiisa siisay, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi:-


Arinka lagu xidhay qaar ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga wadanni Anu dhaliilina maayo Taageerina maayo oo Maxkamadaha ayaa kala cadayn lakiin halkan waxaan ku soo bandhigayaa kulan aan Madaxwayane Muuse Biixi Boorama kula yeelanay xiligii shirwaynaha xisbiga kulmiye iyo wuxuu Madaxwaynuhu ka yidhi mar uu soo hadal qaaday Afhayeenka Xisbiga WAddani BARKHAD BATUUN .


Madax Wayne Muuse Biixi ayaa isaga oo la hadlaya dhaliinyar ka kooban shan qof oo aan ka mid ahaa yidhi: ( Aduunyadu inay is badashay C/Raxmaan Abees oo Reer samatar ah oo waliba reer Xaaji faarax ah ayaan xidhay midgaankii Barkhad Batuuna Habeen walba wuu I caayaa oo Waan xidhi kari laayahay. Xaaji faarax hadii intaa qabriga loogu sheego tollow muxuu odhan lahaa). Sidaa waxa u dhignaa hadalkii Madaxwaynaha qaranka jamhuuriyada Soomaliland. Arinkaasi wuxu leeyahay Markhaati kalidayna maan ahayn. Hadal Cunfi iyo Cunsuriyadle ayuuse ahaa.


FG : Ilaahay ayaa u wayn cid laga baqo Madaxwaynahana been kama sheegayo. Ilaahay ayaan maalinta qiyaamah la hortagayaa In madaxwaynu Hadalkaa Af-kiisa ka yidhi.

Loading...
Loading...