War deg-deg ah:-Hoggaanka WADDANI iyo Taageerayaasha Xisbigaas oo Cuddud Shacab kula wareegay Xaruntii guud

0
Monday November 18, 2019 - 09:49:26 in News by A. Asbaro
  • Visits: 9890
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War deg-deg ah:-Hoggaanka WADDANI iyo Taageerayaasha Xisbigaas oo Cuddud Shacab kula wareegay Xaruntii guud

    Kumannaan shacab ah oo uu hoggaaminnaayo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa xoog

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumannaan shacab ah oo uu hoggaaminnaayo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa xoog
Hargaysa(HWN):-Kumannaan ka tirsan taageerayaasha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa saakaddii horeba soo buux-dhaafiyay meel u dhaw xarunta guud ee Xisbigaas, kuwaasoo markii uu soo gaadhay Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo Masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay hoggaamiyaha Xisbigaas, waxay ku soo dhaqaaqeen xaruntii oo ay haystaan Ciiddammadii ay Xalay Xukuumaddu dhigtay.


Kumannaan shacab ah oo uu hoggaaminnaayo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa xoog kula wareegay oo dib u qabsadday Xaruntii guud ee Xisbigaas, waxaannay shacabkii furtay xaruntaas ay ku dhawaaqayeen errayo ay ka mid ahaayeen "Dulmigu ha dhaco, ILLaahu Akbar, Muuse Biixi ha dhaco, nidaamka fulayga ah laga baqan maayo iyo Xukuumadda ila meerrayso ha dhacdo.

Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata innuu Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi uu kaga dhabbeeyay hadalkiisii xalay ee ahaa Awoodda shacabka laguma joojin karro Xadhig iyo Cabudhin ee waa innoo subaxa iyo xarunta guud ee Xisbiga, taasoo keentay in Taageerayaasha Xisbiga WADDANI oo uu hoggaaminnaayo Guddoomiyahooddu ay xoog iyo cuddud shacab ay ku furtaan xaruntii Ciiddanka badan la dul dhigay ee WADDANI.

Abdiqani Abdillaahi Ahmed (Asporo)
Hadhwanaagnews,Office
Kampalla, Uganda

Loading...
Loading...