Maxaabiista ku jira xabsiyada wadanka keenya oo sanadkii lasiiyo lacag ka yar $1

0
Monday November 18, 2019 - 09:11:00 in News by
  • Visits: 1714
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaabiista ku jira xabsiyada wadanka keenya oo sanadkii lasiiyo lacag ka yar $1

    maxkamad ku taallo dalka Kenya ayaa ku gacan seyrtay dacwad loo gudbiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

maxkamad ku taallo dalka Kenya ayaa ku gacan seyrtay dacwad loo gudbiyey

oo ku saabsaneyd in mushaarka maxabiista la siiyo la kordhiyo.

Seddex qof oo ka mid ahayd maxabiis horay ugu soo jirtay xabsiyada Kenya ayaa afar sano ka hor billaabay iney saxiixa shacabka ay uruuriyaan si mushaarka maxabiista la siiyo ee halka doolar ka yar loo kordhiyo.


Qolooyinka arrinta u ololeynaya waxay sheegeen sharciga maxabiista ee ay Kenya hadda isticmaasho ay yihiin kuwa ku xadgudbayo xuquuqda aasaasiga ee maxabiista.



Sharciga dhigayo Maxabiista xabsiyada Kenya ku jirta in sanadki calaa qof mushar ahaan loo siiyo wax ka yar hal doolar wuxuu soo baxay 40 sana ka hor sanaddi 1979-kii.


Maxabiista Kenya alaabada ay sameeynayaan ee biraha iyo looxaanta ka sameysan waxaa lagu yaqaannaa iney yihiin kuwa aad u qurux badan oo taya leh. Inta badanna alaabada ay soo saaraan maxbiista waxaa laga isticmaalaa xafiisyada dowladda.


Gaar ahaanna waxaa qalabka ay maxabiistaasi sameeyaan isticmaala golaha xildhibaannada iyo maxkamadaha, waxayna maxabiista sida oo kale ay soo saaraan biraha taarikada gawaarida lagu qoro.


Raggan cabashada soo jeediyey oo ka mid ahaa maxabiisti hore waxay leeyihiin maxabiista iyaga oo wax soosaar xooggan ku howlan haddana ay helin waxyaabihi noolasha aasaasiga u ahaa ee ay u baahnaayeen.


Aloyns Oniyngo oo ka mid ah ragga ololaha wada ayaa wuxuu xabsi uu ku jiray 16 sano, wuxuuna sheegay muddadi uu xabsigaasi uu ku jiray inaan wax lacag ah la siinin isla-markaana uu doonayo maamulka xabsiyada iney sharciga u hoggaansamaan.


Hase yeeshe, garsooraha hoggaaminayey kiiska wuxuu sheegay sida sharciga uu dhigayo kordhinta mushaarka waxaa awood u leh maamulka xabsiyada oo keli ah gacantiisa ayayna ku jirtaa, wuxuuna intaa ku daray mushaarka in la kordhiyo dowladda wax waajib ah ka saarneyn sidaa ayuuna kiiska ku laalay.


Xubnaha dacwaddaasi wadayna waxay sheegeen iney go'aanka maxkamadda racfaan ka qaadanayaan isla-markaana ay dacwaddooda halkeedi ka sii wadanayaan.

Source BBC 
Loading...
Loading...