Jaaliyada reer Somaliland ee ku nool dalka Bitain oo soo bandhigay xadgudubyo cusub oo Muuse Biixi u isticmaalay ciidanka RRUda ee UK maalgeliso

0
Monday November 18, 2019 - 04:02:33 in News by
  • Visits: 3437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyada reer Somaliland ee ku nool dalka Bitain oo soo bandhigay xadgudubyo cusub oo Muuse Biixi u isticmaalay ciidanka RRUda ee UK maalgeliso

    London(HWN)-Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka UK ayaa dawlada dalkaas u soo bandhigtay caeymo cusub oo la xidhiidha in ciidamada UK maalgeliso ee RRUda loo isticmaalay xadhiga siyaasiyiinta Wadani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London(HWN)-Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka UK ayaa dawlada dalkaas u soo bandhigtay caeymo cusub oo la xidhiidha in ciidamada UK maalgeliso ee RRUda loo isticmaalay xadhiga siyaasiyiinta Wadani

London(HWN)-Warar aanu ka heleyno Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka UK ayaa waxa ay sheegayaan in muwaadiniin ka walaacsan dimuqraadiyada iyo nabedgelya dalkoodii hooyo ay xiriiro dhawr ah la sameeyeen siyaasiyiinta dalkaas si ay ugu sharaxaan xaalada sii murgeysa ee Somaliland.

Masuuliyiintan ka tirsan Jaaliyada reer Somaliland oo guddi ay iska soo xuleen u xilsaaray in magacooda ay xiriirkan ku sameeyaan ayaa durba gudbiyay amarkii Muuse Biixi uu siiyayciidamada RRUda oo lagu soo qabqabtay Xoghayeyaashii xisbiga Wadani ee xalay lagu xirxiray Hargeysa.

Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro ayaa ugu baaqay taageereyaashooda in ay arroorta isugu yimaadaan xarunta xisbiga, halkaas oo khubado xaalada ku dalka ku saabsan looga soo jeedin doono.

Xukuumada Muuse Biixi ayaa tilaabada sharciga waafaqsan uga jawaabay in uu RRUda ku dalbado Xogahayihii Guud ee Wadani Khadar Xuseen Cabdi iyo Xoghayihii waraafinta Jaamac Batuun oo aqaladooda loogu daatay.

Jaaliyada ayaa u sheegay siyaasiyiintii ay la kulmeen ka dalbaday Xukuumada Britain in ay culeys ku saarto Muuse Biixi siideynta masuuliyiinta xisbiga Wadani ee xalay xabsiyada lagu gurey.

Xubnaha Jaaliyada Somaliland ee dalka UK ayaa intii lagu guddo jiray kulamada ay la yeesheen siyaaiyiinta dalkaas waxa ay walaac ka muujiyeen dhabaha ay cagta saartay dimuqraadiyadii dalka, waxaaney soo jeediyeen in culeys la saaro madax uu ka mid yahay Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Jaaliyadu waxa ay guddi sharci yaqaano ah u saareen in ay ka soo shaqeeyaan sidii dacwad ka dhan ah loola beegsan lahaa Muuse Biixi iyo tacaiyada uu kula kaco shicbka Somaliland.

Dawlada UK ayaa hore mar u joojisay taageeradii dhaqaalihii ay ku maalgelin jirtay ciidamada RRUda oo loogu talo galay ladagaalnaka waxa loogu yeero argegixisada, balse Muuse Biixi u weeciyay in kula dagaalamo dad rayid ah oon waxba galabsan.

Waxaana ay UK ku sheegatay digniin kama danbeys ah ay si dhaw ula soconeyso sida Somaliland u isticmaasho ciidamada RRUda, marka arrinkan cadaatona ay go'aan kama danbeys ah gaari doonaan,

Hadhwanaag News

London, UK


Loading...
Loading...