Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Xadhiga Madaxda WADDANI iyo Kulan uu la yeeshay Madaxweyne Biixi

0
Monday November 18, 2019 - 04:11:25 in News by A. Asbaro
  • Visits: 6833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Xadhiga Madaxda WADDANI iyo Kulan uu la yeeshay Madaxweyne Biixi

    "Dadka In La Kiciyo oo Xadhig lagu deg-dego maaha, WADDANI nabad buu rabbaa" Guddoomiyaha UCID

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dadka In La Kiciyo oo Xadhig lagu deg-dego maaha, WADDANI nabad buu rabbaa" Guddoomiyaha UCID
Kampalla(HWN):-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo Caawa ka hadlaayay Xiisadda u dhaxaysa Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa waxa uu sheegay inaan Xadhig iyo Cabudhin xal noqonnayn, waxa laga dhaxlaanna uu yahay Amniga oo xumaadda iyo Shacabka oo soo dhiirrada.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo u waramaayay Telefishanka Bulsho tv, waxa uu sheegay in Xisbiga WADDANI uu nabad doonnaayo, waxaannu ugu baaqay inay arrinta dejiyaan oo aannay ka deg-degin, isla markaanna uu wada-tashi ugu tagay Madaxweynaha, balse sida uu sheegay uu mar kale ku laabannaayo.


"Arrintani maanta waxay i xasuusinnaysaa 2009-kii, habbeenkii aan idhi Nabad ku seexda, nabadna ku soo toosa, caawanna waxaan leeyahay nabad ku seexda, nabadna ku soo toosa. Arrintan ay ka mudaharraadayaan Xisbiga WADDANI maalintii aan soo dagaayay ayaan idhi waa arrin qaran, oo labadda Xisbi uun kuma koobna, markaa annagu (Xisbiga UCID), waxaannu iska xil-saarnay inaanu taladda u badsanno, oo ma i tidhi ayaa meesha taallee inaan kol kale Madaxweynaha ku noqdo, ilaa maalintii aan safarkaygii ka soo laabtayna waxaan waday wada-tashi." Ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu ka hadlay kulan uu Caawa la qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaannu yidhi "Madaxweynaha caawa waannu kulannay, balan kalenna waannu leenahay, markaa annagu (Xisbiga UCID), arrinta badhtanka ayaannu kaga jirnaa" Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

Waxaannu intaas raaciyay oo uu yidhi "Marka ugu horraysa waan Cambaarraynayaa xadhiga Saraakiisha WADDANI. Xadhig waddo maaha, ilaa haddana muu dhicin ficil uu WADDANI sameeyay oo dad lagu Xidh-xidhaa, qofkanna waxa la xidhaa marka uu ficil sameeyo, waa laga yaabbaa si aan Mudaharaadku u dhicin in Xeeladdo kale la isticmaallo, laakiin Xadhigaas waa lagu deg-degay, waxaannan ku baaqayaa in Dadkaas xorriyadooda loo soo celiyo oo la sii daayo. Waxaan idin xasuusinnayaa hadduu Mucaarid yahay iyo hadduu Muxaafid yahay-ba shacabka Somaliland wixii dawladdi qaban jirtay ma haystaan, adeegyaddii aasaasiga ahaa ma haystaan. Dadkaasi lacag-bay bixiyaan, qawtal-daruuriga ma haystaan, Islaanta hilibka iibisa haddii berrito jidka laga xidho way qaddaysaa. Shacabkan tabaalaysan ee tobanka sanno dagaalka iyo qaxoontiga ku soo jirey, ee 28 sanno Ictirraaf la'aanta ku noollaa in rajadda iyo Nabad-gelyaddooda lagu ciyaarro ma doonayno.

Xukuumadda waxaannu leenahay haddaad awooddi kari waydeen inaan shacabka adeeg-siisaan ha kaga ciyaarrina Nabaddooda, Xisbi nabad kuma ciyaarri karo oo awooddeeda ma leh, taageeraddeeda ma leh, Xisbiga WADDANI nabad buu doonayaa, dawladda ayuu dusha u saaran yahay Xilka nabaddu, markaa in dadka la kiciyo oo Xadhig lagu deg-dego maaha. Xisbiga WADDANI-na waxaan leeyahay arrinta waynu ku wada jirnee ha naga deg-deginna ee cagta u dhiga" Faysal Cali Waraabe

Abdiqani Abdillaahi Ahmed (Asporo)
Hadhwanaagnews,Office
Kampalla, Uganda

Loading...
Loading...