Muuse Biixi Oo Qorshaynaya Amar Saamaynaya Shacabka Oo Uu Duldhigo Shirkadaha Isgaadhsiinta
Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa qorshaynaysa in shirkadaha isgaadhsiinta ay amar ku siiso inay joojiyaan isticmaalka dadweynaha ee khadka Internet-ka.
Warar Hadhwanaagnews soo gaadhaya ayaa sheegaya in xukuumada Muuse Biixi ay shirkada isgaadhsiinta ka dalbanayso inay subaxnimada bilaabaan hakinta ay ku samaynayaan isticmaalka dadweynaha ee Internet-ka maadama oo xisbiga Waddani mudaharaad ugu baaqay taageerayaashiisa ku sugan wadanka gudihiisa oo dhan.
Muuse Biixi iyo dawladiisa ayaa amarkan u adeegsanaya si ay u yareeyaan fariimaha ay dadweynuhu iskugu gudbinayaan Internet-ku isla markaana ay saamayn ugu yeeshaan mudaharaadka xisbiga Waddani abaabulayo.
Xukuumada Muuse Biixi waxa ay u muuqataa mid cabsi xooggan ka qabta inay si weyn u faafaan wararka la xidhiidha mudaharaadku haddii ay berri xakamayn kari weydo isticmaalka Internet-ka amaba in laysku abaabulo.
Sidoo kale ciidamo tirro badan ayaa lagu daadiyey qaar kamida xaafadaha magaalada, kuwaas oo la filayo inay berri noqdaan kuwa uu mudaharaadku ka bilaabmi doono.
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland