War deg-deg ah:-Ciiddammada Booliska Somaliland oo Xabsiga dhigay Madax Iyo Mujaahidiin Ka tirsan Xisbiga WADDANI

0
Monday November 18, 2019 - 00:59:51 in News by A. Asbaro
  • Visits: 4439
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War deg-deg ah:-Ciiddammada Booliska Somaliland oo Xabsiga dhigay Madax Iyo Mujaahidiin Ka tirsan Xisbiga WADDANI

    War deg-deg ah:-Ciiddammada Booliska Somaliland oo Xabsiga dhigay Madax Iyo Mujaahidiin Ka tirsan Xisbiga WADDANI

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War deg-deg ah:-Ciiddammada Booliska Somaliland oo Xabsiga dhigay Madax Iyo Mujaahidiin Ka tirsan Xisbiga WADDANI
Hargaysa(HWN):-Ciidammada Booliska Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa caawa Xabsiga u taxaabay Xoghayaha guud iyo Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ka dib markii Masuuliyiinta sare ee Xisbigaasi Taageerayaashooda ugu baaqeen inay Isniinta Berri isugu yimaaddaan Xarunta dhexe ee Xisbigu ku leeyahay Hargeysa.


Taliyaha Booliska, Afhayeenka Madaxtooya Somaliland iyo Maayerka Hargeysa oo dhammaantood Shirar Jaraa’id ku qabtay Hargeysa galabta illaa caawa, ayaa sheegay inaan la oggolayn oo ay sharci-darro tahay inay Taageerayaasha Waddani isu soo baxaan, isla markaana aan la aqbali doonin in isu soo bax ka dhaco Hargeysa, inkastoo Guddoomiyaha iyo Afhayeenka Waddani aanay bannaan-bax iyo muddaharaad toona ku baaqin ee ay ugu baaqeen inay taageerayaashoodu yimaaddaan xarunta dhexe ee Xisbigu ku leeyahay Hargeysa.

Afhayeenka Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun oo Caawa Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inaan la baajinayn kulanka xaruntooda dhexe ee Hargeysa ugu baaqeen inay ugu qabanayaan Taageerayaashooda, isla markaana aanay nabadgelyo-darro wadin ee ay Booliska ka codsanayaan inay nabadgelyada kala shaqeeyaan.

Haseyeeshee, Barkhad Batuun waxa uu Maayerka Hargeysa Cabdiraxmaan SOLTELCO ku eedeeyey inuu abaabulay dhalinyaro rabshado ka sameeya Hargeysa Isniinta Berri, si taageerayaashooda ay ballamiyeen iyo Xisbigooda Waddani loogu eedeeyo fawdada ay samayn doonaan dhalinyartaas.
Balse, markii laga soo dareeray Shirka Jaraa’id ee uu Barkhad Jaamac Batuur Afhayeenka Waddani ku qabtay Hargeysa Salaaddii Cishaa’I ee caawa, waxa la sheegay Daqiiqado ka dib inay Ciidammada Ammaanku galeen Guriga Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Cirro, kaas oo ku yaalla Xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa, iyadoo la sheegay in halkaas laga qabtay oo ay Boolisku ka kaxeeyeen Gurigaas Afhayeenka Waddani Barkhad Jaamac Batuun, waxaanna Xarunta C.I.D-da ku booqday Xoghayaha guud ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo isna Xabsiga la dhigay, sida uu Warbaahinta caawa u xaqiijiyey Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan-Cirro.

Sidoo kale, waxa isla caawa fiidkii ay Ciiddammada Booliska Somaliland Xabsiga u taxaabeen Mujaahid Cabdi Ibraahim Cabdulle oo ka mid ahaa halgamayaashii ururkii SNM ee dib u xorraynta jamhuuriyadda Somaliland. Mujaahid Cabdi Ibraahim Cabdulle ayaa dad badani waxay aaminsan yihiin in Xukuumaddu beryahaas-ba Xadhigiisa qorshaynaysay, isla markaanna Ullo booca loogu tukubaayay, kadib markii uu 26-kii bishii aynu soo dhaafnay ee Octoobber uu Shir jaraa'id oo uu qabtay uu Madaxweynaha Somaliland Md. Biixi Cabdi uu ku tilmaamay Masuul ku fashilmay shaqaddii uu qarankiisa u qaban lahaa, isla markaanna uu maalin-ba Baloodh iyo Beer uu ka deggaayo, halka dhigiisa Madaxweynaha Soomaaliya Md Farmaajo uu maalin-ba Dal uu ka deggaayo, waxaannay errayaddaasi noqdeen kuwii ugu saamaynta badnaa Afartii toddobaad ee la soo dhaafay.

Waxyaabaha kale, ee Xadhiga Mujaahid Cabdi Ibraahin Cabdulle ka mid ah, kadib markii uu maanta booqasho ku tagay xarunta guud ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI uu ku leeyahay Caasimadda Hargeisa, iyaddoo uu halkaas si diirran ugu soo dhaweeyay Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, waxaanna Xarunta guud ee Xisbiga lagu guddoon-siiyay Kaadhka ka mid noqoshadda Xisbigaas, ha-yeeshee Caawa fiidkii ayaa Mujaahidka oo ku suggan gurigiisa Caasimadda Hargeisa ay Ciiddanka Boolisku soo qabteen, isla markaanna ay Xabsiga dhigeen, iyaddoo sifaha iyo qaabka loo xidhay-ba uu yahay Sharci-darro, dulmi, tacaddi iyo handaddaad loo gaysannaayo Shacabka Xalaasha ah ee Somaliland.
Geesta kale, Guddoomiye Cirro oo Bartiisa Twitter-ka caawa soo dhigay qoraal kooban, ayaa waxa uu sheegay inaan darreenka shacabka lagu joojin karin Xadhig iyo Cabudhin toonna, waxaannu yidhi "Shacabka dareenkiisa xadhig iyo cabbudhin toona laguma joojin karo. Waa innoo aroorta iyo xarunta dhexe ee (Xisbiga Waddani).” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Abdiqani Abdillaahi Ahmed (Asporo)
Hadhwanaagnews,Office
Kampalla, Uganda

Loading...
Loading...