"Dareenka Shacabka Xadhig Iyo Cabudhin Laguma Joojin Karo Ee Waa Inoo Bari"..Gudoomiye Cirro Oo U Hanjabay Muuse Biixi
Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) ayaa ka hadlay xadhiga Muuse Biixi iyo ciidankiisa boolisku u gaysteen saraakiil sar sare oo ka tirsan xisbigaasi.
Gudoomiye Cirro oo qoraal ku baahiyey bartiisa Facebook ayaa sheegay inuu sida ugu adag u cambaaraynayo talaabada Muuse Biixi ku xidhan saraakiishan ka tirsan xisbiga Waddani.
Gudoomiye Cirro waxa kale oo uu Muuse Biixi farta ka saaray sida aan loo cabudhin Karin dareenka shacabka, isaga mar kale taageerayaashiisa kula balamay xarunta dhexe ee xisbiga Waddani.
Gudoomiye Cirro ayaa qoraalka uu baahiyey ku yidhi sidan:-
Qoraal uu Dr Cabdiraxmaan Cirro gudooomiyaha xisbiga Waddani soo dhiggay boggiisa Facebook ayuu ku cambaareeyay xadhigga madaxda Waddani.
"Umadda reer Somaliland waxa aan u xaqiijinayaa in goor dhaweyd sifo sharci
darro ah oo aan wax cudur daar ah lahayn lagu xidhay Xoghayaha Guud iyo
Afhayeenka Xisbiga WADDANI, sida ugu adag ayaan u cambaareynayaa, waana in si
degdeg ah xorriyadoodii loogu soo celiyaa.
Shacabka dareenkiisa xadhig iyo cabudhin toona laguma joojin karo. Waa inoo aroorta iyo Xarunta Dhexe.”