Xisbiga UCID oo ka arinsanaya ku biirida Mudaharaadka xisbiga Wadani ku baaqay

0
Sunday November 17, 2019 - 22:45:21 in News by Abdikadir Guled
  • Visits: 2583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga UCID oo ka arinsanaya ku biirida Mudaharaadka xisbiga Wadani ku baaqay

    Xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo ay xisbiga Wadani isku mowqifka ka yihiin xaalada dalku galay ayaa ka munaaqashoonaya ku biirida mudaharaadka dastuuriga ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo ay xisbiga Wadani isku mowqifka ka yihiin xaalada dalku galay ayaa ka munaaqashoonaya ku biirida mudaharaadka dastuuriga ah


Hargeysa(HWN)-Waxa magaalada Hargeysa haatan ka socda dood ku saabsan doorka xisbiga Qaran ee UCID oo ku wejahan xaladaha khatarta leh ee uu dalka geliyey Muuse Biixi intii talada dalka uu hayay labadii sano ee ina dhaaftay.


Xisbiga UCID ayaa masuuliyiintiisa sar sare ku cadaadinayay Godoomiyahooda in xisbigu ka ciyaaaro kaalintiisa mucaaridnimo dorka uga banana si taaageereyaashoodu u gartaan waxa la isku hayo.



Qaar ka mida masuuliyiinta xisbiga oo Wadani ka neceb Xukuumada ayaa manta loo sheegay in haatan la jogo xiligii ay dalka u hiilin lahaayeen, la iskana iloobo dhacdooyinkii hore ee la soo dhaafay.


Xisbiga UCID ayaa magaalada Hargeysa laga dareemayay taageereyaashooda oo ku muusanaabaya, manta Wadani bey taagan tahay, beritona UCID ayaa hadii ay hadasho xabsiyada lagu guri donaa.


Waxaana durba la arkeyay caawa reer UCID oo boorarkooda u diyaarsanaya ka qeybqaadashada mudaharaadada selmiga ah ee Dastuurka dalku fasaxayo.


Guddoomiyaha UCID oo isbedbedel bilaa ujeedo ah hore loogu bartay ayaa haatan waxa horyaala kala doorashada gudashada xilkiisa muwaadinnimo iyo ishortaaga dimuqraadiyada dalku ku faano.


Si kastaba ha ahaatee, guud ahaan dalka caawa waxa laga dareemayaa in haatan uun xisbiyada mucaaridku hawshii loo doortay hortaalo, isla markaana ay taageereyaashoodu diyaar u yihiin gudashada waajibaadkooda.


Hadhwanaag News

Hargeysa

Loading...
Loading...